Qiso iimaanka kuu siyaadineyso: Wiilyahaw yaa ku damiinanayo?

Waqtigii Cumar Binu Al-Khadaab RC, uu Xukunka Islaamka haayey, ayaa Saddex Qof waxey hor keeneen Cumar binu Khadaab Nin Dhalinyaro ah, waxey ku yIiraahdeen:- Cumaroow Ninkaan waxaan Rabnaa inaad noo Qisaasto waxa uu Diley Aabaheen.
Cumar baa Ninkii wuxuu ku yiri:- Maxaad u Dishey Aabahooda?.
Ninkii wuxuu yiri:- Waxaan ahey Nin Geel Jire ah oo Geel iyo Ari ayaan meel Daajinayey, Neef Geel ah oo ka mid ah Kuweyga ayaa waxaa uu Daaqey Geed ku yaal Dhul uu leeyahey Odeygu, Dhagax ayuu qaatey markaas buu ku Dhuftey Neefkii Geela ahaa, wuuna Dhintay, Aniguna isla Dhagaxii baan qaatey oo ku Dhuftey markaas buu isna Dhintay.
Cumar Binu Khadaab RC, waxaa uu yiri:- Hadaba waxaan kugu Qaadayaa Xadka.
Ninkii baa yiri:- Saddex Casho i siiya waayo Aabehey ayaa Geeriyoodey wuxuu nooga tagey Hanti Aniga iyo Walaalkey iga yar, hadaad i Disho hantidaas wey Lumeysaa iyo Walaalkeyba.
Cumar baa yiri:- yaa ku Damiinanaayo?.
Ninkii baa Eegay Wajiyada Dadka joogey Goobta markaas buu yiri:- Ninkaas oo uu ku Fiiqay Farta Saxaabigii weynaa ee Abuu Dar.
Cumar wuxuu yiri:- Abuu dar, Ninkaan ma Damiinaneysaa?
Abuu Dar waxaa uu yiri:- Haa, Amiirki Mu’miniintoow.
Cumar waxaa uu yiri:- Adigu ma Taqaanid, haddii la waayo Adiga ayaa lagugu Qaadayaa Xadka (Dilka).
Abuu Dar wuxuu yiri:- Anaa Damiinanaaya Amiirkii Mu’miniintoow.
Ninki waa la Fasaxay, wuuna baxay, Maalintii Koowaad waa Dhamaatey sidoo kale tii Labaad iyo tii Saddexadba waa ay Dhamaadeen Dadkoo Dhan waxey u Cabsoonayeen Abuu Dar, si aan loogu Qaadin Xadka (Dilka).
haddaba, wuxuu Waqtigu is Guraba waxaa la gaaray Xilligii ay Qorraxdu Dhaceysay, oo Abuu Dar, ayaa la sugayaa in Xukunka lagu Fuliyo ileen Ninkii lama hayee. balse Ilaah Mahadiis goor ay Qorraxdi dhaceyso oo ay Maqrib tahay ayaa waxaa Meel aad u Fog, oo Saxaraa ah wxaa ka soo Muuqday Ninkii la wada sugaayey isagoo uu ka Muuqdo Daal iyo Safar Dheer ayuuna soo hor Istaagay Amiirkii Mu’miniinta ee Cumar Binu Khadaab RC, isagoo dhahaayo:- Waxaan u Dhiibey Hantidii iyo Walaalkeyba Abtiyaashiis, hadana waan kuu Imid si aad iigu Qaadid Xadka (Dilka) Amiirkii Mu’miniintoow.

Cumar wuu yaabay, waxaana uu Su’aalay Ninkii, wuxuuna ku yiri:- Maxaa ku soo celiyey waxaa Suurtagal aheyd inaad Baxsatide.
Ninkii baa ku jawaabey:- Waxaan ka Baqay in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaaday Oofinta Ballanta.
Cumar misana wuxuu Su’aalay Abuu Dar oo uu ku yiri:- Maxaad u Damiinatay Ninkaan Adigoon wax Aqoon ah u laheyn yaa Abaa Dar.
Abuu Dar baa ku jawaabay:- Waxaan ka Baqey in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaaday Khayrkii iyo Naxriistii.
Intaas ka dib, waxaa Qisada la yaabay Wiilashii Aabahood la Dilay oo waxey yiraahdeen waan Cafiney Ninkaan, waxna uma Qabno.
Cumar ayaa Su’aaley Wiilashii oo ku yiri:- Sabab, maxaadse u Cafiseen Ninkaan oo Aabihiin Dilay ?.

Wiilashii ayaa ku jawaabeen:- waxaan ka Baqnay in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaadey Cafiskii.
W.Q:- Macoow Ustaad
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Film gaaban: Jooji Cunsurinimada.

Film dadka looga wacyi galinayo xumaanta cunsurinimada oo ay sameysay haweeney la yirahdo, Nancy Spetsioti ayaa waxuu ku bilaabanayaa qol lagu sugo daqtarka, Gabar la yirahdo Anna ayaa soo ag fariisaneyso wiil la yirahdo Jafar, waalidkeedi oo la socday baa gabadhi ka dheereynayan Jacfar, waxyar ka dib doctorki ayaa u yeeraya oo waalidki usheegayo qofka uu yahay Jacfar, yaab iyo indho taag baa ka soo harayo waalidki cunsuriyiinti ahaa.


Hoos ka daawo filmka.

QISO YAR OO CAJIIB AH: habeen kasta waxaan ku riyoodaa nabiga scw

Sheekh Maxamed Xassaan wuxuu yiri: waxaa leey keenay Gabar yar oo 14jir ah, mfvkvfm9858waxayna igu tiri:- Habeen kasta waxaan ku Riyoodaa Nabi Muxamed CSW, ka dib waxaan ka Wareystay Sifaadka Rasuulka CSW, uu lahaa, Walaahi Dhammaan wey ii Sifaysay, waliba iyada oon Hal Sifo ka Tegin, Subhanalah ka dib waxaan ku iri:- Gabar yahay maxaad Sameysaa?, waxay igu tiri: Shanta Salaadood ayaan Xifdiyaa, Waqtigoodana ilaaliyaa, markaas ayaan ku iri:- Maxaa intaas kuu Dheer?, waxay igu tiri: Maalin kasta Rasuulka CSW, waxaan ku Salliyaa 10,000 jeer. Subhanalaah, waliba sida Rasuulka CSW sheegay Shaydaanku iskuma Ekeysiin karo Rasuulka CSW, Qofkii ku Riyooday Rasuulka CSW, wuu ku Riyooday. Subxaanallaah.
===========================
(ALLOOW NAGA YEEL KUWII RASUULKA U SHAFEECA).

QISO YAR OO CAJIIB AH. (Fadligga ay Leedahay Run Sheegidda).

Sheikh Cadbdulqaadir Jeylaani oo Caalim Carbeed ah ayaa isagoo Cilmi Raadis ahaa u Baxay Bagdaad (Caasimadda Dalka Ciraaq), markuu Baxaayey Hooyadiisa waxey siisay 40 Diinaar, iyadoo kula Balantay inuu Runta sheego wax kasta haku Dhaco uusan marnaba Been Sheegin.


ka dib waxaa dhacay isagoo Maraaya Tuulada Hamdan, waxaa Wadaada u galay Niman Tuugo ah, ka dib waxey ka Qaateen Dhamaan wixiii ay wateen iyo Kooxdii ay ku socdeen, ka dib waxaa u yimid Nin ka tirsanaa Tuugada isagoo Rabay inuu ka Qaato waxa uu wato, ka dib ayuu ku yiri:- War Ninkoow Adiga maxaad heysaa?, Sheikh Cabdiqaadir ayaa ugu jawaabay:- waxaan heystaa 40 Diinaar, Ninkii wuxuu is yiri Wiilka wuu kaa Baqayaaa waxaasi maheysto, wuuna iskaga tagey, hadana mid Labad ayaa u yimid kuna yiri sidii midkii hore oo kale, wuxuuna ugu jawaabay waxaan heystaa 40 Diinaar. 



ka dib Tuuggii intuu Qaadey ayuu Amiirkooda u Geeyay, ka dibna Amiirka ayaa Weydiiyey hadana, isla su'aashii aheyd Maxaad Heysaa Wiilyahoow?, wuxuuna Sheekhu ugu jawaabay:- 40 Diinaar ayaan heystaa., hadana wuxuu weydiiyey:- maxaa kuugu Qasbay inaad Runta sidaan u Sheegtid?., Sheekha ayaa yiri:- waxaan Balan la soo galay Hooyadey inaan Runta Sheego, waxaana ka Baqay Balanta Hooyadey inaan ka Baxo, sidaas ayaan Runta kuugu sheegay, ka dib Amiirkii markii intaasi Dhegihiisa ku Dhaceen wuu Qeyliyey, wuuna Ilmeeyey, wuxuuna ku yiri:- Adiga waxaad Dhowreysaa Balanta Hooyada aad la Gashay, anagana Maanta waxaan Khiyaano kuwadnaa Balantii Eebe aan lagalnay, ee Waajibka inagu ahaa.


Intaasi ka dib, Amiirku wuxuu Amray in dhamaan wixii laga Qaatay dib loogu Celiyo, waana loo Celiyey, sidaasi ayuuna Amiirkii iyo Kooxdiisaba ku Towba keeneen, iyagoo Tuugadii ku Dhahaayo Amiirkooda:- Waxaad aheyd midkeena ugu weyn Wax soo Dhicidda, Maantana waxaa tahay midkeena ugu weyn Towbad keenida. (Dhamaantooda wey Towbad keeneen Fadliga ay leedahay Run Sheegidda ayaa Sabab u noqotay iney Towbad keenaan).


Wabillaahi Towfiiq.

(ALLOOW ADDUUN & AAKHIRO NOO NAXRIISO
).
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

ISKU TARBIYEE 20KAN SIFOOD SI AAD U NOQOTID QOF LA JECELYAHAY.

Hamoodin qofku inuu soo dhasho isagoo la tixgaliyo ama la jeclyahay. Laakiin waa wax la kasbado lana gaadho marka la maro dadaal iyo daal badan.

Ma rabtaa inaad noqoto qof la tixgaliyo oo la jecelyahay, hadaba isku tarbiyee sifooyinkan 20ka ah:


1. Badi dhoola cadaynta,waji furnaanta muusoodka(dhoola cadeyn)
2. Si run iyo daacadnimo ku jirto u amaan qofkii u qalma adigoo ka madhan laba wajiilanimada, soo jiidasho iyo nifaaqba.

3. Ka fogow muranka iyo dood badanba waayo waa bilowga canaadka, colaada iyo kala goida e.
4. Ula dhaqan dadka oo dhan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo adiga.
5. Iska yaree canaanta una cudurdaar qofkii kugu gafa ( kugu khaldama )
6. Iska ilaali cadhada siday doonto ha ahaato e, waayo waa fal shaydaan. caafimaadka iyo caqligana aad bay ugu daran tahay.
7. Badi salaanta, waayo walaaltinimada ayay xoojisaa.
8. Hadii aad awoodo sii Hadiyad ehelkaaga iyo asxaabtaada haba yaraato qiimaheedee.
9. Isbar inaad dhagaysato qofka kula hadlaya, barana habka wax loo dhagaysto inta aadan baran habka loo hadlo.
10. Ka fogow balaayeysiga iyo baasaysigaba, rajadana iyo yididiiladana badi, waayo rajada oo la badiyo waxay kuu noqonaysaa taageero iyo xoog aad ku dhaafto waqtiyada adag e.
11. Iska jir qalbi adayga iyo calool adaaygaba waayo waa sifooyinka doqoniimada e.
12. Markaad fikrad soo ban dhigayso qofka dareensii inay tahay wax aad wada leedihiin oo aanad ka fariidsanaynayn kana caqli badayn.
13. Iska jir isla waynida tusna dadka inaad tahay iyagoo kale, heerka aad doontaba aad gaadhide, waayo Rabiigeen swt ma eego qofka isla wayn qiyaamaha, lana soco in Aadam iyo xaawo cs ay ina wada dhaleen dhmmaanteen.
14. Badi saamaxaada iyo cafiga waayo waa nadaafada qalbiga iyo naftaba e.



15. Marka aad qof waaninayso ilaali dareenkiisa oo ha ku odhan ereyo dhaawacaya qalbigiisa iyo naftiisa toona.
16. Caawi oo garab sii qayrkaa marka ay kuu baahan yihiin waayo Rabi baa kuu kaalmayn doona maalinta aad ubaahantahay.
17. Iska ilaali dhaliisha aflagaadada iyo naqdiga badan waayo kalmada xumi qalbiga ayey wax yeeshaa, waxaa laga yaabaa inay colaad iyo nacayb isu bedeshoe.
18. Ha badin qosolka aan haboonayn - waayo qosolka aan macnaha lahayni haybada iyo daganaanta ayuu kaa qaadayaa e.
19. Isbar dulqaadka iyo adkaysiga waayo waa laba sifo oo Rabigeen iyo Rasuulku csw ay jecel yihiin
20. Ka faaidayso waxyaalaha wanwanaagsan ee hareerahaaga ah noqona sida shinida oo kale waayo inta ay kolba ubax fuusho ayey kala baxdaa Manka iyo Muudkabaa
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Qiso Jacayl oo faaido badan: waxuu yiri, xaaskeeygiyeey waa ku jeclahay kumana furayo.

Yaasir wuxuu ku soonoqday Gurigiisa sida caadada u eheed kadib Waqti dheer oo uu ku soo qaatay Shaqadiisa iyo xafiiskiisa,waxaana guriga albaabkiisa kafurtay Maryama oo aheed Xaaskiisa,iyadoo aad u careysan waxaana meeshii ka biloowday dood iyo muran aad u xun.

sida caadiga ah qooys waliba wuu dhexmaraa qilaaf mana ahan mid ku cusub Yaasir iyo xaaskiisa in dood iyo muran dhaxmaro,balse maanta si xad dhaaf ah ayeey u doodeen,ilaa markii danbe maryama ay yaasir weydiisatay furiin.

yaasir arintii wuu ka carooday wayna u cuntami waysay inuu furo xaaskiisa uu aad ka u jecla.wuxuuna ku yari xaaskiisi:

“Abaayo bal isdaji oo sheeydaanka iska naar,miyaad waalatay”,
Waxay tiri “maya ma doonaayo inaan isdajiyo waa inaad I furtaa maanta waxkale oo socanaayo majiraan”
Yaasir wuu yaabay,markuu arkay xaaskiisa oo ku madax adeegtay in uu furo.
Yaasir wuxu jeebkiisa ka soobixiyay waraaq wuxuuna ku qoray sidatan:

“Anigoo ah yaasir Damiirkeeyga iyo maskaxdeeydana taam tahay waxan halkaan ku cadeeynaya inaan
Xaaskeeyga si xad dhaaf ah u jeclahay,mana doonaayo inaan Furo marnaba,raalina kama ihi qof aan ayada eheen”.

Wuxu dhexgaliyay waraaqadi bashqad,kadibna wuxu u dhiibay xaaskiisa,wuxuuna kabaxay guriga asiga oo careeysan.

Xaaskii yaasir xanaaqa oo ka tan badiyay dartiis maysan aqrin waxa waraaqada ku qoran waxayna saxiixday waraaqadi.
Yaasir wuxu iska aaday asxaabtiisa iyo magaalada,halka xaaskiisana ay guriga iska joogtay
Mudo dheer kadib markii uu xanaaqi daayay maryama ayay dib iskugu laabatay waxeyna nafteeda kula sheekeysatay sidaan soo socota:

Naa balo hesho maxad sameeysay?Ninkaagi oo ad jecleed miyaad I fur kutiri maanta, Xageed aadeeysa hadii uu ku furo ? Waxaa maskaxdeeda ku soolaalaabtay Su’aalo fara badan oo ay isweeydiisay..
Laakiin waa goor ay caanuhu haruubkii ka daateeen.
Saacado kadib waxa gurigi ku soolaabtay Yaasir oo ka yimid magaalada,
Yaasir wuu iska iloobay xanaaqi iyo caradi,wuxuuna iska soogalay qolkiisi jiifka.
Asagoon lahadlin xaaskiisa ayuu sitoos ah u soo abaaray qolkiisi,albaabkana wuu xirtay

Daqiiqado kadib waxaa u soo garaacay albaabka xaaskiisi oo qeeylineeysa, oo leh
“Iga fur albaabka inaan kula hadlo ayan doonayaa”,ayeey ku tiri yaasir.
yaasir oo si kor ah u hadlaaayo ayaa ugu jawaabay “maxaad dooneeysa?”
Waxay bilaawday ineey codkii u jilciso oo si dabacsanaan ku jirto kula hadasho yaasir.
Waxeyna mar kale ku tiri “Waan ku tuugaa Yaasirow iga fur albaabka waxan raba inaan kula hadlo”

Yaasir wuu laba labeeyay maka furta ma iska dhaafta,marki danbe wuxu go’aansaday inuu ka furo
Yaasir xaaskiisi waxay bilaawday ineey ooydo ayado ilintu ka da’eeyso ayeey ku tiri
“bax oo soo weeydii shiiqa dariskeena ah in hadii xaaskeeyga oo careeysan iga dalbato Furiin,aniga oo careeysan kadibna aan waraaq ugu qoro ma iga furmeeysa mise maya” ayeey tiri xaaski yaasir

Marayama ma oga in waxa warqada ku qoran eysan eheen furiin.
Yaasir ayaa weeydiiyay ineey ka shaleeyneeyso oo ayana ka xuntahay qaladka ay gashay,oo ayasan mardanbe u noqoneen wixi dhacay.
“waxay ku dhaaratay ilaahey magaciisa ineysan mardanbe ku dhihi doonin I fur iyo wax la mid ah waxana iga keenay caro mana u qasdin inaad I furto ayeey ku tiri maryamo.


Yaasir aya ku yiri xaaskiisi.
“abaayo Fur waraaqda oo aqri horta waxa ku qoran?”
Waxay aqrisay hadalki uu yaasir waraaqada ku qoray oo aha inuusan diyaar u eheen inuu furo xaaskiisa
Uuna aad u jecel yahay.

Faraxad darted Maryama way rumeeysan weeysay waxa ku qoran waraaqada,ilin aya ka soo dareertay indhaheeda,waxay bilaawday ineey Yaasir u mahadceliso.
Maryama waxay u noqotay cashar lama iloobaan ah dhacdadaasi,waxayna dib u wanaajisay xariirki

Ku dhawaaaday inuu bur-buro.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Mucjiso La Yaab Leh: Gabadh Iyada Oo Yuhuudiyad Ah Masaajid Gashay, Kana Soo Baxday Iyada Oo Muslim Ah.

Faadumo waa gabadh u dhalatay dalka mexico oo 28 jir ah waxay ku soo barbaartay family yahuud ah iyo mujtamac yahuud ah, waxay ka waramaysa qisadii ay ku islaamtay.

RAADINTA XAQIIQDA

iyadoo ka waramaysa qisadeeda waxay tidhi: Afar sanno ka hor waxay nolashayda ku sugnayd jawhareer badan waxaana igu wareegayey su’aalo badan taasoo u baahan si laga jawaabi lahaa, oo aan ka waayey jawaabahooda diinta yahuuda iyo diinta masiixiga iga biinaya fikirka iyo werwerka badan ee I haysta, welibana arinta ka dhaxaysa baniaadamka iyo ILAAAHEY caza wajalla.


Bilawgii qisada ( London) iyadoo sii wada sheekadeeda waxay tidhi: Markaan kusugnaa London oo aan dhiganayey jaamacadeed waxaan is baranay qoys carbeed oo muslim ah, waxaanaan bilawbay inaan la xidhiidho, waxaanaan aad ula yaabay degnaanshaha xaafadda iyo ku nooshahay hooyada oo aan waydiiyey si sira waxayna igu jawaabtay:

Diinta islaamku waa diin siinaysa xaqqa ay leedahay qofka gabadha ah, iyo makaanka ay gabadho ku leedahay ninkeeda iyo qoyskeeda, iyo sida ay diintu dhigayso labada is qaba manhaj ay leeyihiin ay ku noolaanayaan iyo ku barbaarinayaan ubadkooda, kalmadahan ayaa igu noqday kalmado u soo jeedsaday caqligayga iyo qalbigayga iguna kaliftay inaan xaqiiqda sii ogaado.

Faadumo oo ka waramaysa sheekadeeda waxay tidhi: waxaan baxay maalin maalmaha kamida oo aan tagay meelo lagu nasto, anoo dariiqaygii ku sii socda waxaan ag maray masaajid kamida masaajidada weyn waxaan galay masaajidka waxaanaan kula kulmay sheekh gadh weyn oo cad oo dheer.. si fiican ayuu ii soo dhaweeyey waxaanuu si ixtiraam ku jirto iyo sharaf iga codsaday inaan xijaab xidho ixtiraamahaan masaajidka iskumaanaan dayin inaan diido, markii danbe aniga iyo sheekha ayaa masaajidka wada galnay waanuu ila fadhiistay, waxaanuu isiiyey qayb kamida aayado quraanka kariimka oo ku qoran afka ingiriiska ah, oo sharaxaya diinta islamka, waxaan ka soo baxay masaajidka anoo faraxsan waxaan bilawbay inaan akhristo buugaagta wakhtiyo badan, waxaanaan bilawbay inaan xaadiro kulamada lagu qabto masaajidka wiiga taaasoo iga caawisay inaan fahmo islaamka, dhigayana manhajka qofka muslimka wuxu nolashiisa oo dhan ku nolaan lahaa iyo ilaa maca dhimashadiisa kadib, taas oo aad igu adkaysay inaan u soo jeedsado diinta islaamka oo ah in qofka muslimka ahi rumaysan yahay dhamaan anbiyada oo dhan laga bilaabo nebi aadam ilaa nebi ciise naxariis iyo nabadgelyo kurkooda a’ahaate , taas oo ii soo jeedishay oo kale xidhiidhka ka dhaxeeya qofka muslimka ah iyo ILAAHAY subxaanuhu watacaala,oo aan cidna u dhaxaynin, waxa igu abuurmay werwer laba sanno ah oo aan jeclaystay iyo rabitaankayga ah inaan galo diinta islaamka, iyo baqasho aan ka qabo reerkayga iyo diidmada ay ka qabaan inaan galo oo aan cadaysto diinta islamka.


Laakin waxa kadis igu noqday anoo ku sugan muxaadarada masaajidka waxaan istaagay imaamka hortiisa waxaanaan cadaystay inaan islaam noqday iyo in aan xidho xijaabka, waxaa taasi ku noqotay imaamkii masaajidka ee muxaadarada qabanayey farxad weyn, laakin farxadayda ayaa aad ugu weynayd sababtoo ah waxaan noqday imika laga bilawbo qof muslima xidhanna xijaabka.

Qoyskeyga kadib islaamnimadayda
Faadumo oo dhamaystiraysa hadalkeeda:

Waxaan ku sugnaa London wakhti aan aad u badnayn kadib islamnimayda iyo xidhitaanka xijaabka ILAAHAY mahadiisa wax dhiba kulamaan kulmin bulshada halkaas(London) walibana anigoo sii dhiganaya jaamacadda, wakhti kadib wakhtiyada.. waxaan ku noqday mexico si aan la noolaado qoyskeyga, waxa layaab ku noqotay waalidkey oo arkay isbadelka igu dhacay tasarufaadkayga iyo dhaqankayga iyo waxaan madaxayga( xijaabka ) saaran marwalba ilaa wuu ii soo galay aabahay marqudha isagoo I arkay anoo tukanaya taasoo oo ku noqotay layaab…muu aqblin fikirkayga islamka waligii. Iskumana dayin jaanis ama wakhti sababta igu kaliftay inaan diinta islamka galo.

Hooyaday ayaa ila yaabtay hadana walaalkey waxaana iga fogaaday asxaabtayda iyo dadka aan isku dhawnahay. Mujtamaca yahuudu waa mujtamac isku xidhan mana ogala wax isbadel ah guduhooda, waxaanuu aabahay go’aansaday in wuu guriga iga eryo hooyadayna iskumay dayin in ay diido go’aankaa aabahay yeelay bal way aamustay kamanay hadal, waxaanuu ila hadal muddo sannad ah, walaalkayna kumuu qanacsanayn islamnimayda kumana qanacsanayn xidhitaanka xijaabka, reerkayga kamaan xanaaaqin iyagoo waxaa igu sameeyey oo dhan waxaana kamida sifadaha ama astaamaha qofka muslimka ahi in wuu sabro waalidkiisa iyo in wuu ixtiraamo waxaan kabaxay guriga waxaan noolaa kaligay anoo la xadhiidhaya reerkayga anoo qancinaya oo isku dayeya inaan u soo dhawaado markale.

Faadumo oo ka waramaysa mujtamaca dhexdiida waxay tidhi: wax dhiba kalamaan kulmin bulshada Mexico islaamnimadayda laakin dad asxaabtayda ah oo u malaynayey in wuu igu dhacay cudurka kansarka ah sidaa darteed inaan xidhay xijaabka si aan u qariyo timahayga daadanaya. Ama aan dhalay ilmo sidaa darteed aan madaxayga u qarinayo anoo kacabsi qaba barafka, waxaan isku dayey inaan fursadaas ka faa’daysto si aan isku dayo inaan fahansiiyo dadka islaamka waxaan arkay anoo walaalayaal badan iskudayaya inay diinta islamka soogalaan ILAAHAY mahadiis waxaan awooday inaan ku abuuro dad badan oo asxaabtayda ah oo aan isku dayo inaan galiyo diinta islamka.


Baniaadam kasta, …… wuxu isku dayaya shaydaanku in wuu soogalo qalbigayga iyo caqligayga inkabadan mar … hadaba mecxcio oo ah dal kulul oo xidhitaanka xijaabku yahay shay ku adag in la xidho sababtoo ah darajada kulaylka oo kulul laakin shaydaanka ayaa albaab iga soogalayey inaan iska bixiyo kulaylka daraadii, hadana waxabana igumay dhicin laakin shaydaanka ayaan iska naari jiray waxaanaan akhrisanayey aayadao quraana iyo danbi dhaafna ilaahay ayaan waydiisanayey in badan.

Wakthi wakhtiyada kamida .. waxaan la yaabay walaalkey oo I waydiinayey su’aalo oo igu leh miyaad haysa sawir nebigiina maxamed?

Waxaan ugu jawaaabay maya, wuxu igu yidhi waxaan u malaynaya in nebigiinu maxamed wuxu igu yimid RIYO oo igu yidhi cid kuma qasabno in wuu diinta islamka soogalo… riyadaa kadib waxaan dareemay isbadel sidu ila dhaqmayo walaalkey oo noqday mid raali ka noqda xidhitaanka xijaabka wuxu noqday mid marwalba ila hadala ina soo bookhdana wakhti kasta.

ILAAHEY mahaddii

Faadumo oo sheekadeeda sii dhamaynaysa waxay tidhi: ILAAHAY ayaan u mahad naqaya caza wajalla nicmada diinta islamka kaas oo igu hanuuniyey qalbigayga iyo caqligayga, kuna buuxiyey dhaaawicii I haystay hanuun iyo jeclaan, waxaanaan ilaahay ugu mahadnaqaya subxaanahu watacaala sababtoo ah isagoo iga saaray mugdi iguna badelay nuur. Islaamkuna yahay diin dadka is jeclaysiinaysa iyo raali ay ku jirto iyo ixtiraamaysa diimaha samaawiga oo dhan ( yahuuda iyo masiixiga) oo aan ka bartay kalsooni naftayda ah iyo sharaf shakhasiyadayda ah ILAAHAY subaanahu watacaala wuu yahay mid ducada aqbala .


Waxaan rajaynaya in dadka walaalahayga muslimka ah ee qurabaha ku nool inay isku dayaan siday diinteena saxda ahi ee sharafnimadu ku jirto iyo karaamada qof kasta siinaysa wiil iyo gabadh xaqiisa inay faafiyaan diinteena, sidaa gabadhaa ilaahay ku soo hanuuniyey diinta cisadu ku jirto, wakhtigan oo aan ku jirno oo ah wakhti adag oo ay isku dayeyaan dadka nasaarada ahi inay faafiyaan diintooda maal iyo wax kasta u huryaaan iyagoo Media ku faafinayaan in ay dadka muslimka yihiin dad wax dila kuna tilmaama in ay yihiin IRHAABIYIIN si ay diintooda u faafin lahaayeen, inagana waxa nagu khasab ah in qofkasta oo muslima in wuu isku dayo in diinteena islamka faafiyo, ILAAHAY –na aad ajar iyo xasanaad aad ka helaysid inshaa Allah.

xigasho:http://nuradini.webnode.com/

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Madaxwayne Xasan Shiiq oo Rigoore Tuuray kadib markii Seeriga loo yeeriyay

Madaxwayne Xasan Shiiq oo Rigoore Tuuray kadib markii Seeriga loo yeeriyay .

Posted by Salmaan Jamal on Saturday, January 9, 2016

Qiso Dhagartii enternetka: Mustaqbalkeygi buu ku cayaaray, Allow ii dambi dhaaf.

Waa qiso runtii aad u xanuun badan oo mudan in lagu cibra qaato qaasatan markaan fiirinno sida dadkeenna Soomaalida ah ugu bateen adeegsiga Internet-ka, waxaan jecleysanay inaan idiin soo tarjunno qisadan oo ku dhacday gabar dhowrsan oo aheyd xaas cusub.

Waxay ku billowday sheekada:
Waxey tiri Walaalayaal waxaan idiin soo gudbinayaa qisadan oo dhab ahaan aad ii taabatay, waxaa bur-buray mustaqbalkeyga, waxaa dumay gurigeygi, waxaa kala tagnay ninkkeygi, waliba anigoo ka soo jeeda qoys dhowrsan, waligey kuma fikirin inaan sameeyo qaladkan oo kale oo ilaahay iga caroodo.

Waxaan guursaday wiil aan is-jecleyn oo aad ii ixtiraami jiray, iguna qabay kalsooni weyn isagoo familkiisu dareemeen wanaagga inaga dhaxeeya, dhina qoyskeyguna waxay igula kaftami jireen waxaad heshay nin aan hortaa gabar kale arag oo waxaad jeceshahay ku siiyo,


Ma xasuusto shey aan odaygeyga ka codsaday uu ii diiday, wax walbana sida ugu macquulsan ayuu iigu heli jiray, laakin maalin maalmaha ka mid ah baan ka dalbaday inuu guriga internet ii soo galiyo, wuxuu yiri gurigeyga uma rabo qad, laakiin ugu dambeyn waan k qanciyay waxaana ka ballan qaaday inaan wax xun ku sameyn.

Wixii intaa ka dambeeyay kadib waxaa waqtigeyga ugu badan siiyay inaan qadka galo oo aan asxaab badan ku yeesho, isagu wuxuu aadaa shaqadiisa, mana I weydiiyo waxaan ku sameeyo, waayo kalsooni badan ayuu igu qabay.

Intaasi kadib waxaan is-baranay wiil ka mid ah asxaabta internet-ka, wuxuu ii soo jiitay si’ weyn
waxaana ka helay farxad aanan waligey qof bani’aadam ah ka helin, maalinba tan xigta waan xiriir jirnay ilaa seygeygu ka maseero mararka qaar inaan qadka galo isagoo aqalka jooga,

Wuxuu waqtigu socdo, waxaa ninkeygi igu dhibsaday waqtiga badan ee aan qadka ku bixiyo, wuxuuna I dareensiiyay inuusan raalli ka aheyn hab dhaqankeygan cusub, ilaa aan gaaro heer aan la dhuunto wada sheekeysiga wiilkan aan is-baranay.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee ninkeygu ii muujiyo caro, waxaana halkaas ka billowday xiriir xumi isaga iyo aniga ina dhex marto, waxaa qalbigeygu u sii jiidmay wiilkan cusub oo hadii aan iska furo ninkan qeylida badan ii ballan qaaday inuu I guursado.


Wiilkan cusub baa mar walba iga codsan jiray inaan kulanno, balse markuu xumaaday xiriirka aniga iyo ninkeyga ayaan go’aansaday inaan fursad siiyo jaceylkeygan cusub, ugu dambeyn maalin baan ballanay oo aan is-aragnay waxaana na dhex maray sheeko iyo wax kastoo rag iyo dumar sameeyaan ilaa aan ka naxay qiyaanada aan kula kacay ninkeyga.

Markii dmabey ninkeygi baa go’aansaday inuu internet-ka ka saaro aqalka, waxaana billaabay inaan telefoon iska wacno wiilkii, oo xiriirkeenni sii lixaadsaday, halka qilaafka aniga iyo odaygeygu sii kordhay.

Ninkeygu wuxuu arkay farriin qoraaleed telefonkeyga ku qoran wuxuuna aad uga naxay waxaan ku kacay, wuxuu gocday waxyaabo badan, wuxuuna ii sheegay inuu I cafiyay dalaaqadeydana uu I siiyo, isagoo ii ballan qaaday inuusan dadka igu ceebeyn oo qoyskeygu u sheegin fuxshiga aan ku kacay, taasoo jaceylkuu ii qabay marag ka aheyd.

Markii aan kala tagnay ninkeyga ee aan u sheegay wiilkii, wuxuu durba ii muuujiyay qalbi jab iyo waxaan ka fileyn wuxuuna igu yiri “Waligey kuma fikirin inaan guursado gabar aan qadka ka bartay, mana jecli inaan xaas ka dhigto qof xumaan ila sameysay, ileen birriba qof kale ayay sidaas la sameyn”.


Naxdin iyo amakaag halkaasna waxaa ka billaabatay cuqdatul nafsi aan waligey illaabeen, anigoo jecel qisadan igu dhacday inay cibro ka dhigtaan walaalaha isticmaala internet-ka gaar ahaan dumarka, walaalayaal Sheydaanku wuxuu maraa xididadda dhiigga ee aan iska ilaalinno, anigana ilaahay ii barya inuu iga towbad aqbalo.

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB. Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen:

Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.
QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB

Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.


C/Laahi bin Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. “Maxaad u aamustay? ma inantaydaan kuu cuntamayn?”. “Eebe hakuu naxariistee maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaaye” baan ku iri. Markaas buu sheekhii yiri “Waa runtaa, balse iska daayoo shuhuud u yeero”. Shuhuud baan markaa u yeertay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.
Kolkaan Salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa iridkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?”. Qofkii iridka garaacayey baa yiri: “Waa Saciid”. Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan iri: “Waa Saciidkee?”. “Saciid bin Al-musayib”. Jirkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is iri: “Armuu sheekhu ka shallaayey inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa”. Markaas baan anoo cagajiid ah iridkii furay, saa waa gabar dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo adeegto cad. Sheekhii intuu isalaamay buu yiri: “C/Laahiyow waatan naagtaadii”. Markaas baan si yare xishood ku jiro u iri: “Alle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydey”. Suu yiri: “Sabab!”, kuna daray: “Sow ima oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe iyiraahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan. C/Laahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin”. Waanu sii dhaqaaqay.


C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas’alada culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: “Qoftii say tahay?” markaas baan dhihi jiray: “Waa nabaddeeda”.
Kedib markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tiri: “Soo gal C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye”. Markaas baan weydiiyey: “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?”. “C/Laahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?”. “Khayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen”. “C/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Alle ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata”.

Cabdullaahi waxa uu leeyahay: “Waan ka qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay”. Dhammaad qisadii Saciid bin Al-Musayib.?

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Qiso lagu cibro Qaato: Xaqiiqada Hadey ka qarsoonaatay Makhluuqa ,ILAAHA Khaaliqa ah ka qarsoonaanmeyso.

Haweeneey Ayaa Oday Lahayd, 5 sano ayuu qabay, Waxaa La dhihi Jiray magaceeda Daaril , wax Ilmo ah umeysan dhalin , Waxee ku fikireysay Malinka ay noqon doonto Hooyo ee Ilmo yeelan doonto , Illahay ayee Baryi Jirtay Subxanahu watacalaa Inuu walad saalix ah Siiyo..In Badan ayee duceysan jirtay oo oran jirtay Illahayow Walad salix ah i sii. aad bee u ooyn jirtay waxee ku fikiri Jirtay Maalinta ee hooyo Noqon doonto Ilmo yar arki doonto.. Haweeyneydii waxee iska aragtay Isbedel ''Caadadi ba ka joogsatay'', Iyado madax xanuun leh is aragtay'' Dr ayee tagtay wey is baartay, Odaygi ayaa raacay,, Waxuu Drkii U sheegay Inee Uur leedahay.. aad bee u faraxday, 5 sano ayee sugeysay inee wlaad dhasho. Dadkeydi bee iskugu sheegtay farxad , waa la iskugu yimid farxad .. Wiilkii ey sugeysay ayaa Yimid oo dhashay waxeyna u bixisay Muxammed , dhalmada ee dhashay wiilka ayee dhibaato caafimad kala kulantay ,, waxee odayga ka codsatay inuu u qabto Khidaamah ama shaqaalo u shaqeyo maadama ee tabar yaraatay ,,   Waxaa loo qabtay shaqaalo islaan duq ah, oo guryaha u shaqeysa , markii todobaad u shaqeynesay ayee waxee dhahday Islaan da' ah ayaan ahay Lakin inan yar aya guriga i joogtaa oo aan dhalay inantaas baan kuu keynaa oo idin shaqeyneeso ee ii ogolow ayee tiri ,, wey ka aqbashay,, gabadhi yareed shaqaalaha ayaa bilowday shaqadi, muddo labo asbuuc kadib gabadhi shaqalaha eheed waxe bilowday inee is soo qurxiso guriga markee imaaneyso labis qurxon soo xirato ,, Mamadi xanuunsaneed ayaa dhibsatay arinkaas ( waxee u baqday Ninkeed) waxeena ku dhahday gabadhi shaqalaha eheed, ha is soo qurxin markad imaneysid guriga , markii danbe weyba dhibsatay oo waxee jecleysatay inee Buriso gabdha , Lakin odygeedi ba ka diiday oo dhahay iska dhaaf ha noo shaqeysee, intaad ka caafimadesid,,,
Haweeneey Ayaa Oday Lahayd, 5 sano ayuu qabay, Waxaa La dhihi Jiray magaceeda Daaril , wax Ilmo ah umeysan dhalin , Waxee ku fikireysay Malinka ay noqon doonto Hooyo ee Ilmo yeelan doonto , Illahay ayee Baryi Jirtay Subxanahu watacalaa Inuu walad saalix ah Siiyo..In Badan ayee duceysan jirtay oo oran jirtay Illahayow Walad salix ah i sii. aad bee u ooyn jirtay waxee ku fikiri Jirtay Maalinta ee hooyo Noqon doonto Ilmo yar arki doonto.. Haweeyneydii waxee iska aragtay Isbedel ''Caadadi ba ka joogsatay'', Iyado madax xanuun leh is aragtay'' Dr ayee tagtay wey is baartay, Odaygi ayaa raacay,, Waxuu Drkii U sheegay Inee Uur leedahay.. aad bee u faraxday, 5 sano ayee sugeysay inee wlaad dhasho. Dadkeydi bee iskugu sheegtay farxad , waa la iskugu yimid farxad .. Wiilkii ey sugeysay ayaa Yimid oo dhashay waxeyna u bixisay Muxammed , dhalmada ee dhashay wiilka ayee dhibaato caafimad kala kulantay ,, waxee odayga ka codsatay inuu u qabto Khidaamah ama shaqaalo u shaqeyo maadama ee tabar yaraatay ,, 

Waxaa loo qabtay shaqaalo islaan duq ah, oo guryaha u shaqeysa , markii todobaad u shaqeynesay ayee waxee dhahday Islaan da' ah ayaan ahay Lakin inan yar aya guriga i joogtaa oo aan dhalay inantaas baan kuu keynaa oo idin shaqeyneeso ee ii ogolow ayee tiri ,, wey ka aqbashay,, gabadhi yareed shaqaalaha ayaa bilowday shaqadi, muddo labo asbuuc kadib gabadhi shaqalaha eheed waxe bilowday inee is soo qurxiso guriga markee imaaneyso labis qurxon soo xirato ,, Mamadi xanuunsaneed ayaa dhibsatay arinkaas ( waxee u baqday Ninkeed) waxeena ku dhahday gabadhi shaqalaha eheed, ha is soo qurxin markad imaneysid guriga , markii danbe weyba dhibsatay oo waxee jecleysatay inee Buriso gabdha , Lakin odygeedi ba ka diiday oo dhahay iska dhaaf ha noo shaqeysee, intaad ka caafimadesid,,,





Muddo 37 maalmood markee sii mareyso aya waxaa dhacday In Daaril Dhiigii Nifaaska Ayee Xumad ka qaatay oo ku xanuunsatay, Odaygeedi waxuu ahaa mid subax walba xaaladeeda ka wareesto intu shaqada aadin sidee daremeso iyo cafimaadkeeda..
Waxaa dhacday subaxdi danbe Inu Isago la hadlin iska baxay o shqada iska aaday, marka caadi uma eheen inuu baxo isago macasalaameen xaaskiisa oona ka wareysanin caafimaadkeeda, Daaril wey shakisay subaxaas '' maxaa dhacay tolow, Maxuu ii soo mari wayay?'' ayee is weydiisay, wey shakiday,, Gabadhii shaqalaha u eheed ayee u dhawaaqday, gabadhi meesan u imanin,, wey soo kacday waxee bilowday inee qolalka ka raadiso gabadhi shaqalaha eheed wey ka weyday , Waxeey aaday qolkii Odayga seexan jiray, waxena ku aragtay gabadhi shaqalaha oo jiifta oo dharkii Hurdada qabta Sariirti odayga jiifta ,,,,
Wey isku naxday , waxeey bilowday inee ku qeyliso gabadhi shaqalaha aheed,, '' Naa maxaa sameyneysaa ka kac sarirta, Ma waxaad seexaneysa Gurigayga? guriga Odayga miya seexaneysaa, oo dharkeygi baad xiraneysaa?''... gabadhi shaqalaha eheed ayaa waxey ku tiri'' Hadalkaaga u fiirso,, Ha igu danbaabin!!GURIGAAN ANIGA LEH MA OGID? Odayga aad sheegiisid waa Ninkeyga waxaana is qabna in Todobaad Laga Jooga!!'''...
Meeshi Dagaal aya ka bilowday iyo in la is feero, oo la is xagto.. Dagaal xoog leh ayaa ka dhacay Kadib gabadhi shaqalaha aheed aya ka so baxday qolka , oo maxamed wiilkii yara daaril dhashay gacanta ku heysato, xoogaha kadib waxaa shaqada ka so labtay Odaygi Abu maxamed,, waxuu ka waayay Daaril Qolkeedi, Waxuu weydiiyay gabdhi shaqalaha eheed Daaril aaway, waxee ku tiri ma Ogi kor ka so firi .. Sidu u raadinayay waxuu arkay Daaril oo dhulka taalo oo Mayd ah Calooshane Birta Albaabka ka mudday dhiig badan ka socda, Qeylo ayuu bilabay iyo inuu u yeero shaqaalahi, gabdhi shaqaalaha iyado iska dhigeyso inee wax la socon ayee iska dhahday ala maxaa ku dhacay ?.. 
Waxaan ku dhahay kor ha fuulin lakin wey iga diiday.. Odaygi iscaaf (umblance) ayuu yeeray kadib Daaril isbitaal aya la geeyay, Dr ki ayaa ku dhahay Odayga Daaril wey dhimatay Laakin sual ayaan ku weydiina? Cid la jogtay ma jirtaa marke Kor aadeysay?,, Odayga Maya ayu dhahay, Dr ki aya dhahay marka waa Qadar Alle ee sabra Daaril wey dhimatay..





Reerkii Daaril ka dhalatay Ayaa maqlay inee gabadhoodi dhimatay.. Daaril hooyadeed iyo walaalkeed ayaa u yimid Odaygeedi si ey ugu tacsiyeeyaan oona Uga qaataan Wiilkii yaraa ee Maxamed, Markey Guriga imaadeen ayee waxee arkeen gabadhi shaqalaha aheed ee la dhihi jiray (Jamaalaat), Ninkii ayee weydiiyeen gabadhaane waa ayo? , markaas ayuu ku dhahay waa Xaaskeyga labaad , Daariil oo nool ayaan guursaday... Daaril Hooyadeed waa ee shakiday markaas ayee Ninka weydiisay , Gabadheyda Daaril Sidee ku dhimatay? markee Dhimaneysayne gabadhaan ma jogtay? waa ka shakiyee.. Markaas ayuu dhahay Maya Jamalaat markaas meesan joogin , gabadhada kaligeed ayee qolka kor joogtay.. Daaril Hooyadeed waxee dhahday , Abu maxamedow i dhageyso'' إذا كانت الحقيقة اختفت عن المخلوق فلن تختفي عن الخالق '' ''Xaqiiqada Hadey ka qarsoonaatay Makhluuqa ,Ilaaha Khaaliqa ah ka qarsoonaanmeyso''',,, Abu maxamed uma aabo yeelin arintaas , waxuu ku dhahay Hooyo Qof walba Nasiibkiis ayuu qaadanaa, waxee ku dheceen wa qadar Alle gabadhaada cidne ma dilin.. Wey iska tageen Daaril hooyadeed iyo walalkeed , waxeena horey u sii watten Wiilkeed yaraa Maxamed..
Guriga waxaa ku so Haray Odaygi Abu maxamed aha Iyo Haweenydii shaqalaha aheed Jamaalat ee uu guursaday.. Jamalaat Waxee Gashay Nolol Fiican Faqiirnimadi wey ka reysatay Xaalkeedi wuu wanaagsanaaday,, Sanadooyin wanaagsan ayaa soo maray,, Caruur bey u dhashay Abu maxamed, 8 Wiil iyo 3 gabdhood ayee u dhashay,, Maalin walba Qurux ba u ziyaadeysay iyo farxad.. LAKIN DANBIGU MA YARA,, '' Illahay Adoonkiisa waa u kaadiya , markuu qabtana Kama siibto''.. Iyadoo nimcadaan ku nool ayee Odaygeedi ku tiri waxa dooneynaa Inaa so Dalxiisno, Magaalo kale nagee aan soo dalxiisno,, Wuu ka ogolaaday , Baabuur ayuu ku qaaday, Iyada iyo caruurteeda oo dhan 11kiiba... Baabuurkii Siduu u socday ayuu la gudoomay Gibigood,, Waxaana Ka badbaaday Iyada iyo Wiilkeedi weyna ee Curadka aha bes, Intii kale wey ku dhinteeeen.





Isbitaal aya loo qaaday labadooda, Iyadi Lafta Dhabarka ayaa Jabtay,, Wiilkiina dhaawac yar ayaa gaaray,, Markii ay so Miyirsatay ayee Ogaatay in Caruurteeda dhan dhinteen oo 1 wiil kaliya u haray tobankii kale ka dhinteen... Muddo 3 sano ayee Dhaqtarka ku jirtay, Noloshii ayaa Ku cuslaatay. Waxa lagu wadaa Kursi, maadaama ee socon karin oo dhabarka ka jabtay.. Wiilkeedi ayee ku dhahday Kaalay iga kaxee Dhaqtarka oo guriga i gey,, isagane Intuu waddada soo socday Ayaa Gaarigii la Rogmaday , oo meeshaas ayuu ku dhintay... Wax u yimaado wey weyday ,waa Kaligeed, Ciriiri ayee dareentay Awlaadeedi dhamaan wey dhinteen. Lakin Lacag ayee leedahay madama ee eheed Abu maxamed xaaskiisa lacag badan meel u talay,, Dr kii ayaa waxee raadiyeen reerkeedi madama Cidlo ku noqotay meesha awlaadiina wada dhinteen.. Aaabaheed iyo walaalkeed ba yimid, Si ee u qaataan,, Waxaa Kalo yimid Muxamed ( waa Daaril Wiilkeedi oo Odayga dhalay) iyo Ayeeydiis (daariil hooyadeed),, Si Maxmed Dhaxalkii Aaabihii Wax uga qaato... Gabdhii (jamaalaat) Markee aragtay Daaril hooyadeed , ayee xasuusatay Danbigii ee sanadaaad ka hor gashay,.. waxee ku tiri'' Habayar mad xasuusaneysaa Hadalkii hadda ka hor igu tiri?'' إذا كانت الحقيقة اختفت عن المخلوق فلن تختفي عن الخالق '' ''Xaqiiqada Hadey ka qarsoonaatay Makhluuqa ,Ilaaha Khaaliqa ah ka qarsoonaanmeyso''',,, Haa ayee tiri Daaril Hoyaded waan xasuustaa.. Jamalat aya tiri'' I saamax habayar, Gabadhaadi Daaril anaa dilay i saamax habayar, Illahy wa kan ii qabtay,, Caruurtaydi dhan ayaa waayay caafimaadkeygi ayaan waayay , Noloshaan qaraar baan ku noolahay ee habayar i saamax'''.. Islaantii Wey oyday waxeena ku tiri'' Illaahay Nolol Xun ha kugu Nooleysiiyo, Aakhirana Ha kugu cadaabo,'' Iyadoo careesan oo oyneesa ayee iska tagtay...
Jamaalaat Reerkoodi ayaa Isbitaalkii ka so waday iyakee la jogtay , Aaabaheed ba dhintay,, walaalkeed ayaa u haray, Lacagtii yareed ee soo Dhaxashay Isagaa ka qaatay,, Khamri ayuu ku cabay, Wuu ku Zineeystay isagane aakhirkiisi si Xun Buu udhintay... jaarka ayaa lacag u soo aruurin jiray sadaqado la siin Jiray.. Kaligeeed ayee ku nooleed nolol yar oo ciriiri ah.. Cidlo ayeee Ku dhimatay ,, waxaa lagu gartay dhimashadeedi, meydkeedi ayaa meesha ku qurmay Markaaseey Jaarka uruyeen Maydka , meeshaas ayeena ka ogaadeen Inee dhimatay...
Danbiguna waa Sidaas,, Illahay Rabbi Subxaanahu watacaalaa Wuu kuu Gaadina Lakin Maalinka uu ku qabto Rabbi Kuu naxariisanmaayo waad iska noolaan xoogaha Lakin maalinka uu ku qabto Rabbi Subxanahu watacala ka fakan kari meysid.. ee Towbadda u soo carar ,, Danbi hadaad horey u gashay Rabbi waa qafuur raxiim , u toobaad keen isagaa Towbadda aqbalo ..
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

HA U RAACIN CULIMADA SI INDHO LA'AAN AH.Waa shaki la'aan in culimadu yihiin kuwa ambiyada ka dhaxla cilmiga diinta oo way mudan yihiin in lagu ixtiraamo taas sida diintaba tirtirsiisay,

Waa shaki la'aan in culimadu yihiin kuwa ambiyada ka dhaxla cilmiga diinta oo way mudan yihiin in lagu ixtiraamo taas sida diintaba tirtirsiisay,
Laakiin isla marka layslo ogolaado taas ayaa misana waxaa mudan in laysla qiro inaysan sidii ambiyadii macsuumiin la ilaaliyay aysan ahayn .

Culimadu Waa bashar iyo bani aadam kula mid ah oo uu khalad iyo sawaab ka dhici karo.

Waxa kale oo iyana in la ogaado mudan in maalin kaliya aan ilaahay adoomadiisa amrin in ay culimadooda si indho la,aan ah uraacaan,
Bal wuxuu rabbi na faray in aan warka culimada iska fiiltareyno oo wixii wanaagsan kaliya ka qaadano.

-{فَبَشِّرْ عِبَادِي الَّذِينَ يَسْتَمِعُونَ الْقَوْلَ فَيَتَّبِعُونَ أَحْسَنَهُ} [17- 18]
"Ubishaaree adoomada kuwa dhagaysanaya hadalka kiisa wanaagsana qaadanaya".

Mashaa'ikhdu haday hadalo daran iyo waxaan caqligu qaban ku faraan lagama yeelo oo markaa camal waxaa la qaataa xadiiskii uu nabiga scw yiri

استفت قلبك وان افتاك المفتون

Waydii oo la tasho qalbigaada haday doonaan kuwa wax fadwooda haba iska fadwoodeene.

Culimadu waa bashar aan aamin laga ahayn in ay qaarkood u isticmaalaan diinta danahooda gaarka ah.

Way dhici kartaa in ay masaalixdooda shakhsiga ah dhex galiyaan fariimaha diinta.

Waxaa kaloo dhici karta in fariinta ay gudbinayaan saamayn ku leedahay dareenkooda khaaska ah sida caradooda oo kale.

Waxaa kaloo dhici karta in ay kugu diraan dad ay is hayaan oo ay nacayb kugu beeraan iyaga oo diinta daliishanaya"

Laakiin arimahaas oo dhan diintu way ka digtay oo marka ay arimaha halkaas marayaan waad iska daynaysaa warka shiikha oo waxaad isticmaalaysaa caqliga iyo fidrada saliimka ah ee rabi kuugu galadaystay inaad xumaha iyo samaha ku kala saartid"

Aayadda immagkan ku xusan waxay digniin iyo tilmaan cad ka tahay inaan warka culimada la raacin haddii ay wax xun oo aan alle raali ka ahayn ku faraan.

Waayo alle wuxuu yiri ahlul kitaabkii waxay culimadooda iyo suufiyadooda ka dhigteen ilaahyo alle ka sokeeya"

Xadiiskan hoosana wuxuu fasir buuxda ka bixinayaa aayadda oo kolkii ay aayadan soo dagtay ayaa saxaabiga cadiyi inbu xaatim oo hore nasaaro u ahaa ku yiri suubanaha:-rasuulkii alloow anagu maanu caabudi jirin culimada iyo suufiyada,

Markaasaa rasuulka scw ku yiri miyeysan intay wax idinka xarimaan aydan xaraam ka dhigan jirin oo sidoo kale intay wax idiin xalaaleeyaan aydun xalaal ka dhigan jirin,
Kolkaasuu xaatim yiri haa dabeeto rasuulka scw wuxuu yiri hadaba taasaa ka dhigan inaad caabudi jirteen".

عن عدي بن حاتم: أنه سمع النبي صلى الله عليه وسلم يقرأ هذه الآية: {اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَاباً مِنْ دُونِ اللَّهِ} [التوبة: 31] . فقلت له: إنا لسنا نعبدهم قال: "أليس يحرمون ما أحل الله فتحرمونه ويحلّون ما حرم الله، فتحلونه؟ " فقلت: بلى. قال: "فتلك عبادتهم" رواه أحمد، والترمذي وحسنه.

Soomaalidii hore waxay ahaayeen dad aad mooddo inay si buuxda ufahamsanaayeen maqsadkaas culimada ku aadan oo iyaga oo ixtiraam uhaya ayay misana ukala soocnaayeen wanaaga ay culimada ka dhagaysanayaan iyo waxa aysan inaba ku raaci karin.

Oo waxaa arintaas laga dheehan karaa maah maahyada ay culimada ka allifeen sida:-

-Fiqi tolkii kama janno tagi!!!!

-la jiifshaana banaan la joojiyaana banaan!!!!

-Wadaad qiil uu ku banaysto iyo qindi uu ku rito midna ma waayo.

-Wacdi culimo wax isii baa u dambaysa!!!!

-Abeeso yeysan dhul u eki kugu dilin wadaadna yuusan dad u eke kugu dilin!!!!

Iyo kuwo kaloo badan.

Ugu dambayntii waxaa loo baahan yahay in ay bulshada fahamto in culimadu bashar yihiin oo aysan ahayn ambiyo ilaahay u waxyoodo oo la ilaaliyay,

Kaliya waxaa haboon in wixii wanaagsan laga qaato oo aan laga dhagaysan duruustooda ku aadan dad ay is neceb yihiin iyo duul ay isu dan leeyihiin,

haday dhexdooda isgaalaysiiyaan ama ay dad ashahaadanaya ood arkayso ku yiraahdaan waa gaal iwm laga dhagaysan maayo.

Haday ku dhahaan masaajid hebel ha ku tukan ama sheekh hebel ha dhagaysan laga yeeli maayo.

Sidoo kale haday ku dhahaan buug nin qoray ha akhrin ama kitaabo culimo ay is hayaan qoreen ha akhrin laga yeeli maayo.

Hadday ku faraan inaad la nacdo dad muslim ah oo ay iyaga neceb yihiin laga yeeli maayo.

Waayo waxaa nala faray inaan samafalka iyo dhowrsanaanta isugu kaalmeyno ee nalama farin inaan isugu kaalmeyno dambiga iyo collaytanka.

- وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ ..

Sidaasaa nabadda qalbiga iyo tan bulshadaba u haboon.

Waadna mahadsan tihiin.

WAXAA QORAY ABDULLAHI M HUSSEIN

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

SU'AAL SOO ISLAMISAY KIRISHTAAN BADAN:yiri:- ii Sheeg:- 1) Hal (waaxid) aan Laba noqonin? Labo aan Sadex Noqonin? Sadex aan Afar Noqonin? Afar aan Shan noqonin? 5) Shan aan Lix Noqonin? 6) Lix aan Todoba noqonin?

Sheekh Caalim ahaa oo la oran jiray Abuyazid Albasdhami, ayaa Maqlay Habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo Kaniisada ka dhex Qaylinaya, wuuna u Galay, kadibna wuu Dhex Fariistay, isagoo u Malaynaya inayna Garan doonin.
Baada...rigii Kaniisaduna markuu Hadal is yirina Sheekhii buu arkay, wuxuuna yiri :- Ma Hadlayo ilaa aad inaga Dhex saartaan Ninkaas Muslimka ah. Waxayna weydiiyeen:- Sidee ku Ogaatay inuu Muslim yahay? Wuxuuna yiri:- Muslimiinta Wajigooda waxaa ku taala Calaamad (Raadkii sujuuda), wuxuuna ka codsaday inuu baxo Sheekhu, Sheekiina wuxuu yiri:- Mabaxaayo ilaa uu Ilaahay ina kala Saaro.
Badarigiina wuxuu yiri:- Hadaba waxaan ku Weydiinayaa dhawr Su’aalood, hadaad si Sax ah uga Jawaabtana waxaan Raacaynaa Diintaada, haddii kalana Seef baa inaga Dhaxaysa!. Sheekhiina wuxuu yiri:- soodaa Su’aalaha, isagoo aad ugu Kalsoon inuu Ilaahay Qofka Muslimka ah Xaqa waafajinayo, Badarigiina wuxuu yiri:- ii Sheeg:-
1) Hal (waaxid) aan Laba noqonin?
2) Labo aan Sadex Noqonin?
3) Sadex aan Afar Noqonin?
4) Afar aan Shan noqonin?
5) Shan aan Lix Noqonin?
6) Lix aan Todoba noqonin?
7) Todoba aan Sideed noqonin? Sideed aan Sagaal noqonin?
9) Maxayse tahay Sagaalka mucjiso?
10) Mase taqanaa Tobanka badan kartaa?
11) Maxayse yihiin 11 ku?
12) Muxuuse yahay Sheeyga Nool ee Neefsada?
13) Saddex iyo Toban aan Afar iyo Toban noqonin?
14) Mase taqaanaa Qabrigii la socday Qofkiisii?,
15) Yaa waaye kuwa Runta sheegay ee Naarta galay? Iyo
16) Sheeg kuwa Beenta Sheegay ee Janada galay?,
17) Mase taqaanaa, Uunka Rabbi abuuray Aabe iyo Hooya la'aan?,
18) Mase taqaanaa Geed leh 12 Laamood, Laan kastana Leedahay 30 waraaqood, Warqad kastana leedahay 5 Sabuul, Saddex Hooska ku Baxda iyo Labo Qoraxda ku baxda? Ka jawaab Su’aalahaas ?!

Sheekhiina wuu Istaagay, Ilaahay buuna Weydiistay inuu Carabkiisa Xaqa ku toosiyo, wuxuuna yiri:-

1- 
Waaxidka aan Laba Noqnin waa - Allaahi SW.
2- Labada aan Sadex noqonin waa - Habeenka iyo Maalinta.
3- Sadexda aan Afar noqonin waa - Afeeftii Khidr siiyay Nabi Muuse CS.
4- Afarta aan 5 noqonin waa - Tawraad, Injiil, Sabuur iyo Qur'aanka kariimka ah.
5- Shanta aan Lix noqonin waa - Shanta Saladood ee Ilaahay Faral yeelay.
6- Lixda aan Todoba noqonin waa - Maalmihii uu Ilahay Aduunka ku abuuray.
7- Todobada aan Sideed noqonin waa - Todobada Samo ee Rabbi Abuuray.
8- Sideeda aan Sagaal noqonin waa - Malaa'igta haysa Carshiga Rabbi CSW.
9- Sagaalka Mucjisana waa - Kuwii uu Rabbi siiyay Nabi Muuse.
10- Tobanka badan kartaana waa - Ajarka Camalka Wanaagsan ee Rabbi u sii badin karo Qofkuu Rabo.
11- Koow iya Tobanku waa - Wiilashii Nabi Yacquub, Yusuf walaalihii.
12- Sadex iyo Tobankuna waa - Yusuf walaalihii iyo labadiisii waalid
13- Shayga aan Noolayn ee Neefsadana - Waa Subaxda (Wassubxi idaa Tanaffasa).
14- Qabriga la socday Qofkii ku jirayna waa - Xuutkii Liqay Nabi Yunus CS.
15- Kuwa Runta Sheegay ee Naarta galay waa Yahuuda, oo yiri;- Kirishtanku Xaq kuma Taagna, iyo Kirishtanku oo yiri:- yahuudu Xaq kuma taagna, labada qolaba Run bay sheegeen, Naar bayna Gali doonaan, Gaalnimadooda darteet.
16- Kuwa Beenta Sheegay ee Janada Gali doonana waa Yusuf Walaalihii, oo yiri:- Yusuf Dhurwaa baa Cunay, ka dibna Aabahood baa Ilaahay Danbi dhaaf u Weydiiyay, Rabbina wuu u dambi Dhaafay.
17- Uunka uu Rabbi SW, Aabe iyo Hooya la'aana Abuurayna waa:- Malaa'igta, oo laga Abuuray Nuur, una baahneen, hooyo, Aabe, Cunto, Cabitaan iwm.
Sidoo kale aabeheen Adam, malahayn Aabe iyo Hooyo midna, Nabi Ciisane wuxuu lahaa Hooyo, balse Aabe ma lahayn.
18- Geedka 12 Laamood lihina waa Sanadka oo ka kooban 12 Bilood (Laamood), Bil kastana waxay leedahay 30 Maalmood (Waraaqadood), Maalin kastana waxay leedahay 5 Salaadood (Sabuul), Sadex Hooska ayey ku baxaan waa Maghrib, Cishe iyo Subax, Labana Qoraxda ayey ku baxaan waa Duhur iyo Casar.

Ka dibna Sheekhii wuxuu ku yiri Badarigii;- Anigana hal Su'aal ah maku weydiin karaa? Isna wuxuu yiri;- Haa, soo daa,
Sheekhii ba yiri:-Muxuu yahay Janada Furaheedu? Badarigiina wuu Wareeray, wuuna Aamusay, waxaana ku Qayliyey Dadkiisii, oo Dhaheen:- waxaad weydiisay Sheekha Su'aalo Faro badan, Dhamaana wuu kaaga Jawaabay. Isna Hal Su'aal ah ayuu ku weydiiyay, mana ka Jawaabi kartid!.
Badarigii baa yiri:- Jawaabta waan Aqanaa, balse Idinka ayaan idiin Cabsanyaa!.
Iyagiina waxay Dheheen:- waxba ha Cabsanine ka Jawaab su'aasha!.
Wuxuuna ku Jawabay:- Janada Furaheedu waa:-(Laa Ilaaha illa Laah, Muxamad Rasuulu Allah). waxeyna Ogaadeen Diinta Xaqa ah iney tahay Diinta Islaamka, Maadaama ay Albaabka Jannada Furihiisa ay ku Qoran tahay Kelimadda (Laa Ilaaha Illalaah, Muxamadda Rasuulu laah).
Iyagiina Hal mar bay kaceen Dhamaantoodna waxeey wada yiraahdeen:-(Laa ilaaha Ilallaah, Muxamad Rasulu Allah), Badarigiina way Eryeen, kaniisadiina waxay u Badaleen Masaajid Ilaahay lagu Caabudo..

(ILAAHOOW TOWBADA IYO TOWXIIDKA NA WAAFAJI, YAA RABBI).


HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Qiso Xanuun badan: Wiilkeeygiyoow ha iga Tegin oo Guriga ila joog. Hooyo aragaaga baa Wehel iyo Il qawoobsi ii ah. Hooyo waan ku Jeclahay ha iga Dheeraan...

Qisadaan waxaan ka sheekeynaaya Wiilkii Qisadan la
Kulmay, wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay Sidatan:-
Waxaan la Degnaa Hooyadeey ilaa aan gaaray 20 jir.
Markaan 20 jiray baan ka Guuray Guriga Hooyadeey,
markaan Guurayey waxeey Hooyo igu laheyd,
Wiilkeeygiyoow ha iga Tegin oo Guriga ila joog. Hooyo aragaaga baa Wehel iyo Il qawoobsi ii ah.
Hooyo waan ku Jeclahay ha iga Dheeraan. Aniga
hadalkeeda ma aanan Dhageysan, waxaana u
Heestay iney iga Horjoogto wax walbo oo aan
Jeclahay.
Waxaan la degay Wiilal aan Saaxibo nahay. Waxaan u Dhaxeeyay School iyo Shaqo. Markaan Waqti helo
waxaan aadi jiray Filim iyo Ciyaar. Mar mar ayaan
Hooyo Wici jiray si aan u Hubiyo Xaladeeda.
Maalin baa waxaa dhacday Hooyo in ay
Xanuunsatay, ayna Weysay Qof Caawiya. Seey u
Xanuunsaneysay ayaa waaga ugu Bariyay. Subaxdii Xigtay ayadoo Daciif ah bey Deriskedii ku
Gar garacday Derbiga. Deriskii baa Maqleen,
waxeyna ugu yeereen Ambulance. Hooyo Isbitalkii
baa la geeyay. waxey weydiyeen Qofka la noolaa,
waxeysa tiri:- Keligeey baa Noolahay. balse waxaa
jira Wiil aan dhalay oo Magaalada jooga. Numberkeyga bey Weydiyeen, kadina wey siisay.
waxaa isoo Wacay Qolada Isbitaalka ayagoo leh
Hooyadaa wey Xanuunsaneysaa u Imoow.
Waan Naxay oo waan Cararay. Isbitaalkii baan tagay
waxaase la Kulmay Hooyo oo Hadli weysay, hadalka
kaliya ey Dhaheysay waxuu ahaa, Allow maxaaan Galabsaday. Markaan Maqlay waan Ilmeeyay. Hooyo
wey Eegi Weysay Indhaheyga, waxeyna igu tiri:-
Sidaad ii Dayacday, Ilaah kuuma Dayaco. Waan
Awoodi waayay inaan Dhaho Hooyo i Cafi, maxaa
yeelay waxaan Xasuustay inaan noqday Caasi aan
mudneyn in la Cafiyo. Hooyo baa waxey igu tiri:- waxaase Mahad leh Allahii ikaa soo Celiyay.
Xanuunka aan Xanuunsaday hadaan Adiga soo
Noqoshadaada ku Helay waxba uma Arko. Walaahi
Nafteydii baa waxaan Go'aansaday inaan Hooyo
Dacayin inta aan Noolohay. Hooyo baan Guriga
Geeyay. Waan u soo Adeegay, waxey i Bartay sida Cunto loo Kariyo. Hooyo baan Cuntada u Karin jiray.
Waxaan Bilaabay inaan Hooyo wada Aqrisano
Quraanka iyo Axaadiista. Kadib Hooyo waxeey ii
Doortay Gabar Kheer Qabto ah, waana Guursaday,
hooyana weey nala deganeyd. Waxaan dareemay
farxad iyo nimcada Rabbi.


(ILAAHOOW WAALIDKEENA U NAXARIISO ADDUUN IYO
AAKHIROBA, YAA RABBI).

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Qiso: markey Dhibaato ku Heysato suuradahan Akhriso, Cidna Wax kaa Qaadimeyso oo Ilaah ayaa kaa Bad-baadinaayo.

QISO YAR OO CAJIIB AH.

Gabar yar oo Dhalinyar ah ayaa ka soo Rawaxday Dugsi ay Dhigan jirtay, ka dib ayaa waxey Ag Istaagtay Baabuur meesha taagnaa, laakiin waxaa ka soo Degay Nin, Dabadeed intuu Gabadhii yareed Xambaray ayuu Sunduuqa Dambe ee Baabuurka ku Riday, si uu ula Baxsado, markuu Gurigiisii yimid ee uu Maagay Sanduuqa Furm wuu u Furmi waayey, Ninkii si walba ayuu isku dayey wuu u Furmi waayey, intaas ka dib waxaa la Gaaray Xilligii Aadaanka Salaada Maqrib, markaas ayuu Ninkii is yiri: Gabadha yar armuu Naqaska ku dhegaa oo ay meesha ku Dhimataa, ka dib ayuu wuxuu isugu yeeray Dadkii si ay uga Saacidaan Sidii ay ku Furi lahaayeen Baabuurkaasi, balse Saanduuqii wuu u Furmi waayey, dabadeed Nin Waayeel oo Wadaad ah oo meesha maraayey ayaa ku soo Leexday, Arrinkii ayaa loo sheegay, ka dib ayuu Quraan ku Aqriyey, si uu Allaah u soo Badbaadiyo Gabadhaasi yar. intaas ka dib Daqiiqado ka dib wuu

Furmay Baabuurkii, waxaana laga soo saaray Gabadhii yareed oo Caafimaad qabta, ka dib ayaa la Wareystay Gabdhii, waxeyna Dadkii u sheegtay sidii ay Wax u dhaceen, iyadoo Hadalkeeda ku biloowday:- Waxaan ka imid Dugsi anoo meesha maraaya ayuu i qabtay, waxna kama sameynin, ka dib ayuu Baabuurka dhankiisa Dambe igu soo Xiray, markaan waayey wax aan Sameeyo ayaan Quraan Aqristay inuu ilaah iga Badbaadiyo Ninkaan Shartiisa.

Intaa ka dib Sheekhii ayaa Gabadhii weydiiyey:- Gabadheydiyey Bal noo sheeg Quraanka aad Aqrisatay?, kolkaas ayey tiri:- Waxaan Aqrinaayey Aayat Kursi iyo Suural Ikhlaas iyo Macawadeenka (Birabi Naas & Birabil Falaq), waxaana sidaa i bartay Hooyadey oo igu tiri markey Dhibaato ku Heysato intaa Akhriso, Cidna Wax kaa Qaadimeyso oo Ilaah ayaa kaa Bad-baadinaayo.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW SHEYDAANKA NAGA QABO).
W.Q:- Macoow Ustaad

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

Qiso Jacayl oo diini ah taas oo qofkastoo aqristo ka ilmeysiineyso.Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida......

Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida caadada ahna dhaqanka uu yaheyna gabdhaha markii laga helo meelo kale iyo tolka dhexdiisaba tan gabadha tolka ayaa loo cararaa waxeey arkeen gabar tolka ka dhalatey wiilkana ineey u qalanto weey u dooneeen waxeeyna yiraahdeeen waxaanu rabnaaa gabadhaaan wiilkayaga in loo guuriyo...

tolkii gabadha laga soo doontey waa ay soo dhaweeyeen waxeyna ogaayeeen wiilku inuu yahey wiil kheyr badan dhaqan wanaagsan isla markaaana ehlu kheyr ah, kamana aysan gilgilan ineey isla markiiba ay wiilka la noqdaan xidid, arintuna sida caadiga aheyd oo farxada laheyd labo is guursatana uu ahaa ayuu ku dhamaadey...

jaceyl, farxad iyo damaashaad iyo guur aad u heer sareeya ayaa loo dhigey labadii rabbi isku doorey sidoo kale hanbalyo iyo bagaadin ayaa iska daba timid...

guurkii ka dib markii maalmo la soo gudbey, dadkii u dhawaa wiilkii isaga ahaaa waxeeey bilaaabeeen wiilka arimihiisa ineey ka sheekeeyaaan oo ay xantaaan, waxeey sidoo kale bilaabeeen ineey wiilkii u arkaaan mid aaan gurigiisaba aaan ka dhex bixin markuu shaqada ka soo baxo inuu yahey mid mar kasta gabadha iska ag jooga, xan beey ku bilaabeeen waxeyna yiraahdeeen ninka maxaaa ku dhacey ma sixran yahey maxaa ku dhacey...

Wiilka iyo gabadhu waxeey ku nool yihiin nolol aad u qurux badan maalina kuma aysan fakarin noloshoodu ineey xumaan doonto ama ruux soo kala dhex gala khash-khashaada noloshooda la heli doono, sadex sano ka dib guurkooda markii ay ka soo wareegtey, gabadha reerkoodu waxeey bilaabeen cadaadis, iyaga oo leh hebla gadaashaaa baa la guursadey gabar beey dhashey wiil beey dhashey, sidoo kale wiilka reerkoodii ayaa ku kacey waxeeyna leeyahiin ninkii habel ahaa isku wakhti baad guursateeen labo caruuuraa loo hayaaa, hebel doraad buu guursadey uur baana loo leeyahey ee gabadhaan ma dhashadaaa maxeey tahey, gabadha reerkeeduna waxeey leeyihiin ninkaan ma dhalahaa maxaa ku ag dhigey...

cadaadis baa ku yimid lamaanihii is jeclaaa oo xaga guurka ah, waxaa labadii reer buuq iyo muran uu dhex maraba waxaa la isku af gartey in dhakhtar la aado, gabadhii waxeey ninkeedii ka dhaadhicisey ineey dhakhtarka iska tagaan dadkaan buuqooda ay iska dajiyaan, hadii la ogaado ineey xanuuno jiraan la daweeyo allaha raxmaanka ah inuu arin fudud ka dhigo, dawo iyo caafimaad loo helo caruurna inaan helno ayaa dhici karta ee aan dhakhtarka tagno ayeey ku tiri ninkeedii...

waxaa dhacey waxaan la fileyn, markii loo tagey dhakhtarkii baarayey waxaa la ogaadey ineey gabadhu tahey ma dhasho, sidoo kale wiilka reerkuu ka dhashey waxeey bilaabeen xan, qadaf ama caay waxaad u taqaanidba oo marba marka ka danbeeya ka soo siyaadaya, wiilka waxaa u yeertey hooyadii si cad beeyna waxeey ugu tiri:- gabadhaan labo mid 1:- inaad furto maadaama ay ma dhasho tahey, 2:- ama inaad xaas labaad la guursatid si ay caruur kuugu dhasho... iyaduna ay gurigeeda iska joogto...

Wiilkii markii ay hooyadiis intaas ka codsatey, wiilkii xaaladiisii waa ay is badashey, wuxuu ku yiri hadal uusan laba-labeyn uusan ku jirin, cod kalsooni lehna uu ku jiro ayuu hooyadii ku yiri:- hooyo waxaad moodaa xaaskeygu ineey ma dhasho tahey, ma dhashadaas ama ma dhaleysnimadaa xaqiiqdaa kuma xirna dhalmada iyo dhalmo la'aanta, wuxuu leeyahey waxaan arkaaa oo aan gabadhaaan ka arkaaa dareen rasmi ah, kalgaceyl nadiif ah iyo dhowrsanaan, wuxuu leeyahey ilaahey baa mahad iska leh, xaaskeygu maalin un beey dhali doontaa, wakhtigaan la joogana xaaskeygu maalin walba waxeey ii dhashaa wax ka badan boqol jeer aniguna raali baan ka ahey ee mar danbe ha igu soo celinina inaad i dhahdaan gabadhaan iska fur...

ma dhaleysnimadii ay filayeen ineey noqon doonto sabab uu ku furayo wiilkoodu gabadhaan waxeey noqotey sabab banaanka soo dhigta jaceylka ka dhexeeya wiilka iyo gabadha iyo sida ay nafta usugu hurayaaan iyo sidoo kale jaceylka ku qarsoon qalbiyadooda...

sanado ka dib sagaal sano markii ay ka soo wareegtey oo aysan wali waxba dhalin oo ay ku jiraan jaceyl kii ugu danbeeyey iyo kalgaceyl aan kala go' laheyn, darisyadooduna ay la yaabayaan hadalada ay iskula hadlayaan iyo sideey isku darajeynayaan, waxaa biloowdey in gabadhii dhinaca rabbi weerar looga soo qaado cudur uu ku dhacey, cuduro laga yaabey oo gabadha xaaladeeda aad u badaley isbitaaladii baa lala wareegey waxaa loo geeyey isbital ka mida isbitaalada waa waaweyn ee wadanka sacuudi carabiya ee uu leeyahey boqor feysal, isbitaalkaas markii la geeyey wiiilkii wuxuu ogaadey isbitaalkaas in la geeyo dadka xaaladoodu aadka u xun tahey in la dhigo, maantana xaaskiisa ma hadii meesha la geeyey wuxuu ogaadey in xaaladeedu aad u xun tahey...

Dhakhtarkii markii uu baaritaan ku sameeeyey, ayuu wuxuu la hadley wiilkii wuxuuna u sheegey in gabadhaan ay xanuunsan tahey uuna hayo cudur aanan dawadiis la helin uu ku dhacey, dadkaan ku nool bariga dhexe ku noolna ku dhicitaanka cudurkaana ay aaad u fara yar yihiin, gabadhaana aysan mudo sii fog aysan sii noolaan karin wax ka badan shan sano, si kastooy noqoto sidoo kale cimriguna gacanta ilaahey buu ku jiraa ee sidaas la soco...

wiilkii xanuunkii iyo qoomameyntii baa ku siyaadeey mar hadii xaaskiisii uu dunida ugu jeclaa ay isbitaal ku jirto, wuxuu ogaadey gabadhaan sanadba sanadka ka danbeeya ay xaaladeedu sii baaba'ayso, dhakhtarkiina wuxuu yiri:- gabadhaan isbitaalkaa lagu heynayaa si ay dawooyin u qaadato ilaa inta ilaahey uu amaanadiisa ka qaadanayo, laakiinse wiilkii isaga ahaa ee gabadha qabey dhakhtarku waxii uu rabey uma uusan hogaansamin, wuxuu diidey gabadhaan isbitaalka in lagu hayo, wuxuu noqdey nin nerviste ah, wakhti kasta isku buuqsan nerfihiisu ay kacsan yihiin wakhti kasta ka careysan hadalka dhakhtarka...

wuxuu go'aansadey inaan gabadha xaaskiisa aan isbitaalka lagu heyn ee uu gurigiisa ku hayo isaga agtiisa uu ku rabaayadeeyo ku xanaaneeyo, gurigii uu daganaa qol ka mida ayuu wuxuu ku diyaariyey dhamaan waxyaabaha qofka xanuusan loogu talo galey ayuu halkaas isagaa ku diyaariyey, si gabadhaasi jawi munaasib ah hagaagsan xaaskiisana ay dawo ku hesho si uu ugu diyaariyo...

wuxuu diyaariyey qalab qiimihiisu uu leeg-yahey 3600 oo riyaalka sucuudiga ah oo isugu jira dawooyin qalabka dadka miyirka la' ama dadka xanuunada ku dhaca lagu kalkaalo, wuxuu sidoo kale u diyaariyey qol gaala oo asaga iyo xaaskiisa inta uu la joogo ay ku dhaqmaan ay wada joogaan markuu isbitaalka ka soo saaro, lacagta qiimaha intaas leegna wuxuu ka soo deynsadey bangiga wadanka, wuxuu sidoo kale u bandhigey kalkaaliso isbitaalka ka shaqeysa lacagta ay ku shaqeyso mid ka badan si ay ugu baxnaaniso xaaskiisa inta uu shaqada ku maqan yahey, maamulkii shaqada ayuu wuxuu u gudbiyey in fasax la siiyo, wax lacag ahna uusan qaadanin inta ay xaaskiisu xanuunsan tahey, laakiin maamulihii shaqada ayaa ka diidey markii uu ogaadey in gabadhaan iyadaa uu darteed lacag faro badan uu u galey, sidaa darteedna wuxuu ku yiri:- maalinkii waxaad imaaneysaa saacad ama labo waadna shaqeyneysaa waxaadna isaga bixineysaa deymihii aad gashey ama reerkaaaga ayaad biil ugu raadsaneysaa...

wiilki wuxuu ahaa mida shaqada saacad ama labo saacadood jooga isagoo ka fakaraya xaaskiisa xanuunsan iyo maqnaanshaha uu ka maqan yahey, wuxuu jeclaa afka inuu cunada u galiyo bal si ay joogitaankiisa xoogaa ay niyada ugu dhisato, wuxuu ahaa mid laabta iyo qalbiga ku duma markii ay xoogaa xanuun dareeento, una sheekeeya qisooyin iyo sheeekooyin dhacey uga sheekeeya si xanuunka haya uu u hilmaansiiyo, laakiinse xaalada gabadha maalinba maalinta ka danbeeysa aad beey u sii xumaaneysey, ninkaani wuxuu isku dayayey inuu dadaal bixiyo si uu xanuunka ula wadaago uga fududeeyo...

gabadhaa iyadaaa ee xanuunsan odeygeeda oo ku maqan waxeey gabadhii kalkaalisada iyada u aheyd u dhiibtey ee baxnaanineysey santuukh yar oo xiran waxeyna ka dalabtey, santuukhaan ineey heyso qofna aysan siinin noocuu doonaba ha noqdee, oo ay ninkeeda kaliya faraha ka saarto laakiinse waa goormee waa markii iyada nafteeda la oofsado...

maalin isniin ah, habeenkeed markii cishaha la tukadey, jawiguna wuxuu ahaa xilli roobeeed, codka dhibcaha roobka ayaa wuxuu kusoo qulqulayey jiingada ay daganaayeeen, daaqadaha guriga waxaa ka soo galayey biyaha roobka, wiilkuse wuxuu bilaabey in gabadhaa xaaskiisa ah uu u sheekeeyo qalbigeeda uu farxad galiyo, gabayo iyo geeraaro uu iyada ku amaanayo uu u tiriyo, indhaheeda uu ku hor dhaqdhaqaaaqo bal si ay xoogaa farxad u dareeento, gabadhii inteey dhoolo cadeysey, dhoolo cadeyn ay isku dhibeyso ayeey naftii ka baxdey oo hiqdii ugu danbeeysey ay ka timid...

wiilkii isaga ahaa ilin baa ka soo qulqushey wuxuuna ogaaadey xaaskiisu ineey saacatu sifir ay mareyso oo halkaa wixii ugu danbeeyey ay ku ekaayeeen, naxdin uu ka naxey darteed wuxuu ku sigtey isaga laftigiisu ineey halkaa iyada ah ay naftu kaga baxdo, ninkii isaga ahaa salaadii subax ka dib markii la tukadey gabadhii waa la aasey, labo maalmood markii ay gabadhii sii aasan tahey waxaa u yimid ninkii gabadhii kalkaalisada u aheyd xaaskiisa ee u baxnaanin jirtey oo santuukhii yaraa u sida...

waxeey aragtey ninkii quruxda badnaa ee shaley lacagta siinayey ee gabadhu ka xanuunsaneyd aad moodo sidii qof toban sano xanuunsanaa oo kale oo aanan waxba cunin oo kale sida uu u dhamaadey darteeda, sidoo kale inteey u tacsiyeeysey ayeey waxeey ku tiri:- xaaskaagu waxeey ii dhiibtey santuukhaan waxeeyna iga codsatey inaanan qofna siinin ee aan adiga ku siiyo balse waa maalintii nafteeda la oofsado ay geeryooto...

ninkii isaga ahaa santuukhii buu qabtey wuuna furey wuxuuna ka arkey dhalo cadar oo maran oo aysan waxba ku jirin, waana dhaladii cadarkii ee markii markii ugu horeysey ee uu guursadey eee uu hadyad ahaanta ee uu ugu keeney ee ay ka qaadatey beey aheyd, dhaladii oo maran oo faaruqa hadyadii buu hayaaa, dhaladii beey waxeey u ridey santuukha, waxaa kaloo santuukha ku jirey sawir isaga iyo gabadha ay wada galeen habeenkii arooskoooda isugu horeysey, waxaan kaloo santuukha ku jirey gabal yar oo maraa oo cad oo ay ku qoran tahey uxibuka fillahi (ilaahey dartiis ayaan kuu jeclahey) waxaa intaa ka sii daran jaceylka ay ninkeeda u heysey iyo kii ilaahey oo ay isku lamaanisey ee waan ku jeclahey ninkeygii baad tahey ana xaaskaagii baan ahey waanan ku jeclahey...

wuxuu leeyahey ninka qisadaan qorey waxaan idiin soo gudbinayaa gabalkii marada ahaa ee ay gabadhu qortey wixii ku qornaa ayaan idiin soo gudbinayaa aniga oo aanan wax kale ku dareynin laakiin ma doonayo magaceeda ama magaciisa inaan soo sheego...

waxaa ku qorneyd warqada ninkeygii qaaliga ahaayoow faaruqida aan aduunka kugu faaruqiyey haka murgoonin, illaahey baan ku dhaartaye hadii cimri danbe allaah ii qadari lahaa inaan soo noolaado, waxaan dalban lahaa inaan nolosha dib kuula soo bilaabo, waxeey tiri:- waxaad jeceshahey ninkeygiiyoow inaan noolaado, aniguna waxaan jeclahey inaan kula noolaado, allaahna wuxuu doonayaa inuu nolosheyda qaato, tii illaahey baana soconeysee dulqaadoo sabir yeelo...

qof beey la hadashey waxeey tiri:- walaalkeyga hebel ahoow waxaan jeclaan lahaa inaan ku arko adiga oo aroos ah inta aanan dhiman waa qof ay ka dardaarmeyso...

waxeey la hadashey qof kale waxeyna tiri:- walaasheyda hebla aheey caruurtaaada sida aad ugu adag tahey, ama aad u dileyso ka aayari sababtoo ah waa nimco uu ilaahey ku siiyey dareen oo ilmaha dilka ka daa...

waxeey usoo noqotey ninkeeda hooyadii iyada oo ku leh:- eedadeyda qaaliga aheey si fiican maad iila dhaqantey markaad wiilkaaaga u raadisey inuu gabar kale ila guursado wuuna mudan yahey inuu guursado, sababtoo ah magaciisa ayaa ilmo wanaagsan ka soo jeeda...

hadalkeyga ugu danbeeya waxaan dhahayaa ninkeyga aan jeclahey:- guurso marka aan geeryoodo sababtoo ah cudur-daarka aad u guursan wuxuu ahaa inaad aniga i dhowreyso i jeceshahey laakiin maanta cudurdaar kuuma yaalee guurso waxaanan kaa codsanayaa ubadka ugu horeeya aad dhasho ee gabara inaad magaceyga aad u bixiso, ogowna xataa aniga oo qabrigeyga ku jira xaaska cusub aad guursato waan ka maseyrayaa...

gabagabo gabadhaa iyadaaa qisadeeda intaas ayeey ku soo gaba-gabeeysey....

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: