HA U RAACIN CULIMADA SI INDHO LA'AAN AH.Waa shaki la'aan in culimadu yihiin kuwa ambiyada ka dhaxla cilmiga diinta oo way mudan yihiin in lagu ixtiraamo taas sida diintaba tirtirsiisay,

Waa shaki la'aan in culimadu yihiin kuwa ambiyada ka dhaxla cilmiga diinta oo way mudan yihiin in lagu ixtiraamo taas sida diintaba tirtirsiisay,
Laakiin isla marka layslo ogolaado taas ayaa misana waxaa mudan in laysla qiro inaysan sidii ambiyadii macsuumiin la ilaaliyay aysan ahayn .

Culimadu Waa bashar iyo bani aadam kula mid ah oo uu khalad iyo sawaab ka dhici karo.

Waxa kale oo iyana in la ogaado mudan in maalin kaliya aan ilaahay adoomadiisa amrin in ay culimadooda si indho la,aan ah uraacaan,
Bal wuxuu rabbi na faray in aan warka culimada iska fiiltareyno oo wixii wanaagsan kaliya ka qaadano.

-{فَبَشِّرْ عِبَادِي الَّذِينَ يَسْتَمِعُونَ الْقَوْلَ فَيَتَّبِعُونَ أَحْسَنَهُ} [17- 18]
"Ubishaaree adoomada kuwa dhagaysanaya hadalka kiisa wanaagsana qaadanaya".

Mashaa'ikhdu haday hadalo daran iyo waxaan caqligu qaban ku faraan lagama yeelo oo markaa camal waxaa la qaataa xadiiskii uu nabiga scw yiri

استفت قلبك وان افتاك المفتون

Waydii oo la tasho qalbigaada haday doonaan kuwa wax fadwooda haba iska fadwoodeene.

Culimadu waa bashar aan aamin laga ahayn in ay qaarkood u isticmaalaan diinta danahooda gaarka ah.

Way dhici kartaa in ay masaalixdooda shakhsiga ah dhex galiyaan fariimaha diinta.

Waxaa kaloo dhici karta in fariinta ay gudbinayaan saamayn ku leedahay dareenkooda khaaska ah sida caradooda oo kale.

Waxaa kaloo dhici karta in ay kugu diraan dad ay is hayaan oo ay nacayb kugu beeraan iyaga oo diinta daliishanaya"

Laakiin arimahaas oo dhan diintu way ka digtay oo marka ay arimaha halkaas marayaan waad iska daynaysaa warka shiikha oo waxaad isticmaalaysaa caqliga iyo fidrada saliimka ah ee rabi kuugu galadaystay inaad xumaha iyo samaha ku kala saartid"

Aayadda immagkan ku xusan waxay digniin iyo tilmaan cad ka tahay inaan warka culimada la raacin haddii ay wax xun oo aan alle raali ka ahayn ku faraan.

Waayo alle wuxuu yiri ahlul kitaabkii waxay culimadooda iyo suufiyadooda ka dhigteen ilaahyo alle ka sokeeya"

Xadiiskan hoosana wuxuu fasir buuxda ka bixinayaa aayadda oo kolkii ay aayadan soo dagtay ayaa saxaabiga cadiyi inbu xaatim oo hore nasaaro u ahaa ku yiri suubanaha:-rasuulkii alloow anagu maanu caabudi jirin culimada iyo suufiyada,

Markaasaa rasuulka scw ku yiri miyeysan intay wax idinka xarimaan aydan xaraam ka dhigan jirin oo sidoo kale intay wax idiin xalaaleeyaan aydun xalaal ka dhigan jirin,
Kolkaasuu xaatim yiri haa dabeeto rasuulka scw wuxuu yiri hadaba taasaa ka dhigan inaad caabudi jirteen".

عن عدي بن حاتم: أنه سمع النبي صلى الله عليه وسلم يقرأ هذه الآية: {اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَاباً مِنْ دُونِ اللَّهِ} [التوبة: 31] . فقلت له: إنا لسنا نعبدهم قال: "أليس يحرمون ما أحل الله فتحرمونه ويحلّون ما حرم الله، فتحلونه؟ " فقلت: بلى. قال: "فتلك عبادتهم" رواه أحمد، والترمذي وحسنه.

Soomaalidii hore waxay ahaayeen dad aad mooddo inay si buuxda ufahamsanaayeen maqsadkaas culimada ku aadan oo iyaga oo ixtiraam uhaya ayay misana ukala soocnaayeen wanaaga ay culimada ka dhagaysanayaan iyo waxa aysan inaba ku raaci karin.

Oo waxaa arintaas laga dheehan karaa maah maahyada ay culimada ka allifeen sida:-

-Fiqi tolkii kama janno tagi!!!!

-la jiifshaana banaan la joojiyaana banaan!!!!

-Wadaad qiil uu ku banaysto iyo qindi uu ku rito midna ma waayo.

-Wacdi culimo wax isii baa u dambaysa!!!!

-Abeeso yeysan dhul u eki kugu dilin wadaadna yuusan dad u eke kugu dilin!!!!

Iyo kuwo kaloo badan.

Ugu dambayntii waxaa loo baahan yahay in ay bulshada fahamto in culimadu bashar yihiin oo aysan ahayn ambiyo ilaahay u waxyoodo oo la ilaaliyay,

Kaliya waxaa haboon in wixii wanaagsan laga qaato oo aan laga dhagaysan duruustooda ku aadan dad ay is neceb yihiin iyo duul ay isu dan leeyihiin,

haday dhexdooda isgaalaysiiyaan ama ay dad ashahaadanaya ood arkayso ku yiraahdaan waa gaal iwm laga dhagaysan maayo.

Haday ku dhahaan masaajid hebel ha ku tukan ama sheekh hebel ha dhagaysan laga yeeli maayo.

Sidoo kale haday ku dhahaan buug nin qoray ha akhrin ama kitaabo culimo ay is hayaan qoreen ha akhrin laga yeeli maayo.

Hadday ku faraan inaad la nacdo dad muslim ah oo ay iyaga neceb yihiin laga yeeli maayo.

Waayo waxaa nala faray inaan samafalka iyo dhowrsanaanta isugu kaalmeyno ee nalama farin inaan isugu kaalmeyno dambiga iyo collaytanka.

- وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ ..

Sidaasaa nabadda qalbiga iyo tan bulshadaba u haboon.

Waadna mahadsan tihiin.

WAXAA QORAY ABDULLAHI M HUSSEIN

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

donate Asalamu Caleykum wr wb, walal maku qanciyeen qoraalada aan soo galiyo, walaal si aan usii wadno oo websiteka usii shaqeeyo, nagu caawi waxaad noo awoodo. DONATE ku dhufo kadibna nagu caawi waxaad noo awood. mahadsanid.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
SHARE
Walaal Donate ku dhufo kadibna nagu caawi intaad noo awoodo, mahadsanid.

Ibrahim Hashi ahmed

  • Facebook
  • Twitter
  • google+
  • youtube
author

MAAMULAHA WEBSITEKA :

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool wadanka mareykanka, milkiilaha webkaan iyo kuwo kale, waxaan aad u jeclahay qisooyinka sidaas baan u sameeyey webkaan, waxaan rajeynayaa in aad wax badan ka faaideysan doontaan..

Emailkaga kala soco qisooyinka cusub!

0 comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: