Aabihii oo ogaa waxa uu jecel yahay wiilkiisa ayaa maalintii danbe u yeeray inankiisa, kadib udhiibay Baakad sajalaataysan, wiilkii ayaa furay baakadkii, markaas ayuu arkay Kitaab Quranah.
Intuu xanaaqay ayuu yiri:
“Lacagtaan ogahay ayaad haysataa balse Qur’aan ayaad ii qurtay oo kaliya Soo maaha?” Markaas ayuu albaabka ka dagay isagoon hadal kale dhihin.
Wiilkii guriga aabihii ayuu ka tagay, nin wax qabsada ayuu noqday, shaqo iyo ganacsi ayuu yeeshay. Kadib sanado badan kadib ayaa waxaa u yimid aqbaaroraneysa in aabihii geeriyooday, una dhaafay dardaaran ah inuu dhaxlo maalkiisa, sidaa darteedna ay tahay inuu yimaadosi uu waraaqihii u saxiixo, aabihiina u duugo. Markiiba wuusoo baxay, yimid meeshii aabihii dagnaa.
Aaskii kadib ayuu bilaabay inuu gurigii aabihii baaro, hagaajiyanawaraaqihii aabihii, markaas ayuugalay qolkii khaaska ahaa ee aabihii, wuxuu arkay Baakad meesha yaala iyo waraaqo, markaas ayuu arkay Kitaabkii Qur’aanka ahaa ee abihii siiyay oo halkii yaalo, wuu qaaday, saa waxaa hoos yaalo bashqad, wuu eegay, saa waxaa ku qoran heshiis aabihii lasoo galay ganacsata gawaaridii uu jeclaa, isagoo wiilkii usoo gaday gaarigii u rabay, ahayd inuu “dealer-ka” keeno gaarigaas dhowr bari kadib.
Oohin ayuu halkii la fariistay. Wuxuu ogaaday inuu aabihii maalintii horeba gaariga soo iibiyay balse uu sugayay keenidiisii, Quraankiina u gafay, aabihiina xiriirka ka goostay.
Wuxuu gartay khaladaadkiisii foosha xumaa balse waa mar meesha lugu kala tagay.
Hadaba meeqa mar ayaad Ilaahay nimcadiisa aadin sugin oo degdegsiimo ku dhaafisaa? Mar walbo goorma Alaala goorta ay tahay wax hubso hana deg degin ileen Shaydaanka baa dag degee……..


QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 29.01.2014 - 0 CommentsKulan saxaafadeed ayaa nin ganacsade si weyn looga yaqaano dalka Isu taga Imaaraadka Carabta lagu weydiiyey…
- 14.10.2013 - 0 CommentsGAARINIMADA I YO DAACADNIMAD “QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...Qisadan…
- 12.11.2013 - 0 CommentsQISO CAJIIB AH. Nin Dadkii Saalixiinta ka mid ahaa ayaa wuxuu yiri:- Waxaan soo galay Masar waxaan arkay Nin…
- 12.01.2016 - 0 CommentsSheekh Maxamed Xassaan wuxuu yiri: waxaa leey keenay Gabar yar oo 14jir ah, mfvkvfm9858waxayna igu tiri:-…
- 23.07.2013 - 0 CommentsNin ayaa maalin u yimid Rasuulka (scw) waxa uu yiri. Rasuul aloow waxa aan sameeyaa waxyaalo badan oo xun xun…
0 comments:
Post a Comment