Qiso diini ah oo mudan in lagu cibro qaato.

Qiso diini ah oo mudan in lagu cibro qaato:

Labo dhalinyaro ah oo reer Madina ah ayaa waxey u dalxiis iyo khamri-cab u tageen Dalka Turkey. markii ay gaareen istabul(caasimada turky) waxey iibsadeen Khamri, waxayna kiraysteen Taxi waxayna aadeen meel tuulo ah, waxayna dageen Hotel kuyaalay tuulada, si aan loo arag bay halkaas u tageen...
Markii ay Hotelka galeen ayaa waxaa waraystay Receptionka(xafiiska aqbalaada) shaqalihiisa nin kamida ah waxuuna weydiiyey xageed katimaadeen?
Markaas bay ugu jawaabeen waxaan ka nimid magaalada Madiina Al-Munawara..
Markaas baa ninkii shaqaalaha ahaa aad ugu farxay wuxuuna siiyey hool dhan halka uu ka kireyn lahaa qol, asagoo ku karameynaya dadka ka yimid magaaladii Nabiga(naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee). Wiilashii hoolkoodii bay tageen, halkoodii bay ku dhafreen oo ay ku cabayeen khamrigii, markaasay sarqaameen, midbaa aad usii wareeray midna waa roonaa xogaa.. Kadib way iska seexdeen..
Kadib waxaa si lama filaan ah albaabka lagusoo garaacay saacadii afartii iyo bar arooryo. Midkood baa toosay albaabkii buu furay asagoo aad u hurdeysan, mise waa ninkii hotelka shaqaalaha ka ahaa asagoo leh..

"Imaamkii Masaajidka wuu diiday inuu natujiyo markii uu ogaaday in rag reer Madiina ah ay tuulada joogaan". Marka waan idin sugaynaa ee masaajidka hoos kuyaala noogu imaada. Markaasaa wiilkii naxay, kadibna wuu toosiyey saaxibkiis, wuxuuna weydiiyey. "War quraanka wax maka xafidsantahay?" Markaasuu ugu jawaabay inuusan awoodin inuu imaam noqdo. Kadib way fariisteen waxayna kafakareen siday arintaas uga bixi lahaayeen, mise mar labaad baa waxaa albaabkii soo garaacay ninkii shaqaalaha ahaa oo wuxuu ku yiri waan idin sugaynaa intuusan waagu baryin.
Markaasay qubaysteen oo dharki iska badaleen oona soo aadeen masaajidkii.. Mise masaajidku wuu buuxdhaafay sidii maalin jimce ah, markaasaa dadkii oodhan baa salaamay.
Midkoodbaa Imaamkii noqday, markii uu salaada xirtay oo bilaabay faataxadii ayaa waxaa ooyay dhamaan dadkii masaajidka kujiray, ayagoo xasuusanaya masaajidkii nabiga(Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee), markaasaa wiilkii imaamka ahaana la ooyay. Kadibna Qul Huwale baan aqiinay, labadaas bes baan kutujiyey dadkii.
Salaadii markii aan kabaxnay dadkii oodhan baa iiyimid oo isalaamay.. taasina waxay ahayd sababta Allah swt uu ku hanuuniyey labadii wiil, wiilkii imaamka ahaana hadda waa shiikh weyn..
Mararka qaar Allah swt waxuu kugu beegayaa arin aad kuhanuuntid(Alloow na hanuuni)
Markii uu nabigeena Mohamed(Naxariis iyo Nabadgalo Korkiisa ha ahaatee) uu gaaray Sidratul Muntahaa baa Allah swt u waxyooday, "Muxamadoow(Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee) madaxaaga kor u qaad, oo wax iwaydiiso, waana kusiiniye". Nabigeena(Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) ayaa yiri, "ALLAHAYOOW WAXAAD UMMADIHII HORE KU HALAAGTAY DHUL LAGOOYN, KUWANA WAAD BADASHAY MUUQOODII, EE ALLAHAYOW UMADEYDA SIDEE KA YEELAYSAA"
ALLAHA swt ayaa ugu jawaabay " WAXAAN KUSOO DAJINAYAA NAXARIISTEYDA, DAMBIGOODANA DAMBI DHAAF BAAN UGU BADALAYAA, KII IBARYAANA WAA SIINAYAA, KII ITALO SAARTANA WAAN KAAFINAYAA, KII MACSI SAMEEYANA ADUUNKAN KU ASTURAYAA, MAALINTA QIYAAMANA SHAFEECADAADAN KAA AQBALAYAA,  HADII AAN AHAY ALLAHA NAXARIISTA BADAN ADNA AAD TAHAY SHAFEECAHA"
SIDEE BAY U DAYACMEYSAA UMADAADA U DHAXEYSO ALLAH NAXARIIS BADAN IYO NABI SHAFEEC AH.
DHOWRSANAANTAADEE ALLAHAYOW WEYNAAN BADANIDAA OO NAXARIIS BADANIDAA. donate Asalamu Caleykum wr wb, walal maku qanciyeen qoraalada aan soo galiyo, walaal si aan usii wadno oo websiteka usii shaqeeyo, nagu caawi waxaad noo awoodo. DONATE ku dhufo kadibna nagu caawi waxaad noo awood. mahadsanid.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qisadii Zaynab Part Two BY ustad Yussuf RahimahuLAAH
    04.12.2015 - 0 Comments
  • Qiso: Ogoow hadii aad gabdhaha kale xumeyso, walaashaa baa ayadana la xumeynayaa
    04.12.2015 - 0 Comments
  • Labada Waalid ee Nabiga scw ma gaalaa mise muslimiin?
    05.02.2014 - 0 Comments
    الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وبعدDad baa waxay ku murmaan had iyo jeer labada waalid ee Nabiga scw…
  • Sheeko gaaban: Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan ...
    28.09.2013 - 0 Comments
    Sheeko:-Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan qofna…
  • XUSUUSNOOW NIMCOOYINKA RABBI.
    12.05.2014 - 0 Comments
    Qiso Cajiib ah. Cabdallah Bincmah Wuxuu ahaa nin Xubnihiisa Shaqeen waayeen, waxaana noqday Qof Baraalis…
SHARE
Walaal Donate ku dhufo kadibna nagu caawi intaad noo awoodo, mahadsanid.

Ibrahim Hashi ahmed

  • Facebook
  • Twitter
  • google+
  • youtube
author

MAAMULAHA WEBSITEKA :

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool wadanka mareykanka, milkiilaha webkaan iyo kuwo kale, waxaan aad u jeclahay qisooyinka sidaas baan u sameeyey webkaan, waxaan rajeynayaa in aad wax badan ka faaideysan doontaan..

Emailkaga kala soco qisooyinka cusub!

0 comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso Cajiib Ah; Gabadh Illaah Hanunshay & Wiil Xumaan La doonayay oo Isna ay Hanuunkiisa iyadu Sabab u Noqotay.
    29.04.2014 - 0 Comments
    Qisadan waxa ka sheekaynaya Wiilka Ay ku dhacday. Wuxuuna yiri: Waxaan Ahaa Mid Aanan tukan salaadda,…
  • QISO CAJIIB AH: Wanaaga uu leeyahay, qof muslim ah oo aad u ceeb asturtid.
    29.01.2014 - 0 Comments
    Imaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso…
  • QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah
    02.10.2013 - 0 Comments
    QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wadaad ah oo gaarigiisa wato waxuu…
  • Qiso: Been ha sheegin. ka fa,ideyso shekadan!!!
    23.07.2013 - 0 Comments
    Nin ayaa maalin u yimid Rasuulka (scw) waxa uu yiri. Rasuul aloow waxa aan sameeyaa waxyaalo badan oo xun xun…
  • QISO CAJIIB AH: GABADHII YAREED IYO AABAHEED.
    27.07.2013 - 0 Comments
    Qiso Cajiib Ah.Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa gabar 11 jir ah Aabaheed weydiisey. Aabo Markaan 15 jir…