Qiso diini ah oo waxbadan qalbigaaga ka badali doono, ka fa,ideyso.

Nin ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo raacey Doon, doontaas waxaa saarnaa, dad aad u fara-badan, doontii ayaa qalib matey, dhamaan dadkii oo idil waxey noqdeen kuwo dhinta, marka laga reebo ninkii maahane..
Xeeb ayuu kusoo gaaray si naf la caari ah, wax dad ah muusan arkin wax caawiya iska daayee.. Rafaad iyo silac fara badan kadib ayaa waxuu bilaabay inuu dhinto daash isaga oo soo aruursaday xaabo. Gaajo ayaa qabatey wuxuu ku dhaqaaqey bal inuu raadsado geed miro la cuno leh, hase ahaatee waxuu dib ugu soo laabtay daashkii oo gubanaya, markaas
buu wuxuu yiri, Allow maxaa sidaan igu gashay.
habeenkii wuxuu seexday daashkii uu dhistay meel aanan ka fogeyn, subixii ayaa wuxuu kusoo kacay qeylada markab soo gaaray goobtii uu joogey... Ragii markabka saarnaa ayaa soo badbaadiyey, markii ay meel dhexe marayaan ayuu ku yiri: War nimanyahaw sidee ku ogaateen inaan joogo  meeshaan..
Waxey ugu jawaabeen anagoo mareyna meel fog ayaa waxaa xaley aragney qiiq iyo holac hawada qabsaday, dabadeed waxaa niri meeshaas qof baa ku dhibaateysan oo u bahaan caawinaad ee ina keena. Sidii ayaan kuugu imaaney, kuguna soo badbaadinay.
Fiiro Gaar ah: Hadaba ILAAHAY swt, wuxuu wanaag kuu soo mariyaa meel aadan filaneynin ee waligaa haku deg degin inaad ka xumaato go,aankiisa. Ninkaan wuxuu ka xanaaqey daashkii laga gubey, balse ILAAHAY swt  waxuu dabkaas ugu badalay, badbaado iyo isaga oo dhulkiisii iyo dadkiisii ku laabtey. Meeqaa dhib nasoo gaara oon ku deg degnaa inaan sabar la,aan is dhiibno, lagana yaabo inuu ILAAHAY swt,  wanaag noo soo wado.
Sidookale waxaad ogaataa, NabiyuLAAHI Yussuf cs, Dhibka iyo rafaadka ay walaalihiis soo marsiiyeen, waxuu ugu badalay in uu noqdo, waziirka masar.
ILAAH swt sabarka hanagu arzuqo. donate Asalamu Caleykum wr wb, walal maku qanciyeen qoraalada aan soo galiyo, walaal si aan usii wadno oo websiteka usii shaqeeyo, nagu caawi waxaad noo awoodo. DONATE ku dhufo kadibna nagu caawi waxaad noo awood. mahadsanid.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
SHARE
Walaal Donate ku dhufo kadibna nagu caawi intaad noo awoodo, mahadsanid.

Ibrahim Hashi ahmed

  • Facebook
  • Twitter
  • google+
  • youtube
author

MAAMULAHA WEBSITEKA :

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool wadanka mareykanka, milkiilaha webkaan iyo kuwo kale, waxaan aad u jeclahay qisooyinka sidaas baan u sameeyey webkaan, waxaan rajeynayaa in aad wax badan ka faaideysan doontaan..

Emailkaga kala soco qisooyinka cusub!

0 comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: