Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan qofna albaabka ka furin.
Maalinkii koowaad waxaa yimid ninka waalidkiis, albaabka ayey soo garaaceen, ninkii iyo xaaskiisa wey is fiiriyeen wuxuuna doonayay inuu albaabka ka furo waalidkiis balse maadaama uu balan galay ma uusan ka furin irida, xoogaa kadibna waalidkiis waa iska laabteen.
Isla maalinkaas wax yar kadid waxaa yimid gabadha waalidkeed albaabka ayey soo garaaceen, gabadhii iyo ninkii way is fiiriyeen, inkastoo ay balan gashay hadana way is celin waysay ilin ayaa indhaheeda ka timid kadibna
way istaagtay albaabkii ayey ka furtay waalidkeed.
Ninkii waxba ma uusan dhihin, sanado kadib waxay isu dhaleen 4 wiil, cunuga shanaad wuxuu ahaa gabar markaas dhalatay.
Aabihii qoyska wuxuu sameeyay xaflad aad u weyn oo dad badan uu ku casuumay isagoo u dabaal dagaya gabadha u dhalatay.
Xafladii markii ay dhamaatay oo dadkii kala tageen, habeenkii ayaa xaaskiisa weydiisay sababta uu sidaan dhan ugu dabaal dagay gabadha yar isagoo aan si sidaas lamid ah hore ugu dabaal dagin afartiisa wiil.
Ninkii isagoo dhoola cadeynaya ayaa wuxuu yiri: “Maxaa yeelay iyadu waa qofka albaabka iga furi doona.” Asalamu Caleykum wr wb, walal maku qanciyeen qoraalada aan soo galiyo, walaal si aan usii wadno oo websiteka usii shaqeeyo, nagu caawi waxaad noo awoodo. DONATE ku dhufo kadibna nagu caawi waxaad noo awood. mahadsanid.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
0 comments:
Post a Comment