WIIL IYO AABAHIIS
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa aabo lagac leh wiilkiisa yaraa u wadey safar, si uu u soo barto wiilkisa nolosha faqiirtinimada ah.
Waxey waqti la qaateen oo marti u ahaayeen qoys iska beeraleey ah oo faqiiriin ah.
Mudo bil ah kadib ayaa ayaa odeygii wiilkiisa weydiiyey : “aabe sidee u aragtaa noloshaan maxaasa ka baratey??”
Wiilkii yaraa baa yiri:
“1-gurigeena waxaa ku taalo meel lagu dabaasho, laakiin iyaga waxee heestaan wabi weyn oo ay ku dabaashaan.
2-anaga waxaa ifsanaaa nal(laambat), laakiin iyaga waxey heestaan xidigo habeenkii oo ay ifsadaan
3- anaga cuntada waan gadanaa, laakiin iyaga way beertaan oo way soo saartaan
4-gurigeena darbiyo badan ayuu leeyahey oo naga ilaaliya dhibka, laakiin iyaga saaxiibo badan ayeey leeyahiin oo dhibka ka ilaaliya
5- waqtigeena waxaan ku dhuminaa daawashada TV, laakiin iyaga waxey waqtigooda la qaataan qoyskooda”
Kadib waxuu intaas ku darey wiilkii yaraa: “Aabo waad ku mahadsantahey sidaa ii tustey inaan anaga nahey faqiiriin.”
CASHARKA LAGA QADANAAYO SHEEKADA:
Taajirnimada ma ahan lacagta kaliya, ee waxaa taajir ah qofka noloshiisa dhacsan kara kuna nool nolol raxmad EEBBE leh.


QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
0 comments:
Post a Comment