Qiso iimaanka kuu siyaadineyso: Wiilyahaw yaa ku damiinanayo?

Waqtigii Cumar Binu Al-Khadaab RC, uu Xukunka Islaamka haayey, ayaa Saddex Qof waxey hor keeneen Cumar binu Khadaab Nin Dhalinyaro ah, waxey ku yIiraahdeen:- Cumaroow Ninkaan waxaan Rabnaa inaad noo Qisaasto waxa uu Diley Aabaheen.
Cumar baa Ninkii wuxuu ku yiri:- Maxaad u Dishey Aabahooda?.
Ninkii wuxuu yiri:- Waxaan ahey Nin Geel Jire ah oo Geel iyo Ari ayaan meel Daajinayey, Neef Geel ah oo ka mid ah Kuweyga ayaa waxaa uu Daaqey Geed ku yaal Dhul uu leeyahey Odeygu, Dhagax ayuu qaatey markaas buu ku Dhuftey Neefkii Geela ahaa, wuuna Dhintay, Aniguna isla Dhagaxii baan qaatey oo ku Dhuftey markaas buu isna Dhintay.
Cumar Binu Khadaab RC, waxaa uu yiri:- Hadaba waxaan kugu Qaadayaa Xadka.
Ninkii baa yiri:- Saddex Casho i siiya waayo Aabehey ayaa Geeriyoodey wuxuu nooga tagey Hanti Aniga iyo Walaalkey iga yar, hadaad i Disho hantidaas wey Lumeysaa iyo Walaalkeyba.
Cumar baa yiri:- yaa ku Damiinanaayo?.
Ninkii baa Eegay Wajiyada Dadka joogey Goobta markaas buu yiri:- Ninkaas oo uu ku Fiiqay Farta Saxaabigii weynaa ee Abuu Dar.
Cumar wuxuu yiri:- Abuu dar, Ninkaan ma Damiinaneysaa?
Abuu Dar waxaa uu yiri:- Haa, Amiirki Mu’miniintoow.
Cumar waxaa uu yiri:- Adigu ma Taqaanid, haddii la waayo Adiga ayaa lagugu Qaadayaa Xadka (Dilka).
Abuu Dar wuxuu yiri:- Anaa Damiinanaaya Amiirkii Mu’miniintoow.
Ninki waa la Fasaxay, wuuna baxay, Maalintii Koowaad waa Dhamaatey sidoo kale tii Labaad iyo tii Saddexadba waa ay Dhamaadeen Dadkoo Dhan waxey u Cabsoonayeen Abuu Dar, si aan loogu Qaadin Xadka (Dilka).
haddaba, wuxuu Waqtigu is Guraba waxaa la gaaray Xilligii ay Qorraxdu Dhaceysay, oo Abuu Dar, ayaa la sugayaa in Xukunka lagu Fuliyo ileen Ninkii lama hayee. balse Ilaah Mahadiis goor ay Qorraxdi dhaceyso oo ay Maqrib tahay ayaa waxaa Meel aad u Fog, oo Saxaraa ah wxaa ka soo Muuqday Ninkii la wada sugaayey isagoo uu ka Muuqdo Daal iyo Safar Dheer ayuuna soo hor Istaagay Amiirkii Mu’miniinta ee Cumar Binu Khadaab RC, isagoo dhahaayo:- Waxaan u Dhiibey Hantidii iyo Walaalkeyba Abtiyaashiis, hadana waan kuu Imid si aad iigu Qaadid Xadka (Dilka) Amiirkii Mu’miniintoow.

Cumar wuu yaabay, waxaana uu Su’aalay Ninkii, wuxuuna ku yiri:- Maxaa ku soo celiyey waxaa Suurtagal aheyd inaad Baxsatide.
Ninkii baa ku jawaabey:- Waxaan ka Baqay in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaaday Oofinta Ballanta.
Cumar misana wuxuu Su’aalay Abuu Dar oo uu ku yiri:- Maxaad u Damiinatay Ninkaan Adigoon wax Aqoon ah u laheyn yaa Abaa Dar.
Abuu Dar baa ku jawaabay:- Waxaan ka Baqey in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaaday Khayrkii iyo Naxriistii.
Intaas ka dib, waxaa Qisada la yaabay Wiilashii Aabahood la Dilay oo waxey yiraahdeen waan Cafiney Ninkaan, waxna uma Qabno.
Cumar ayaa Su’aaley Wiilashii oo ku yiri:- Sabab, maxaadse u Cafiseen Ninkaan oo Aabihiin Dilay ?.

Wiilashii ayaa ku jawaabeen:- waxaan ka Baqnay in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka Dhamaadey Cafiskii.
W.Q:- Macoow Ustaad
HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:


WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.
donate Asalamu Caleykum wr wb, walal maku qanciyeen qoraalada aan soo galiyo, walaal si aan usii wadno oo websiteka usii shaqeeyo, nagu caawi waxaad noo awoodo. DONATE ku dhufo kadibna nagu caawi waxaad noo awood. mahadsanid.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
SHARE
Walaal Donate ku dhufo kadibna nagu caawi intaad noo awoodo, mahadsanid.

Ibrahim Hashi ahmed

  • Facebook
  • Twitter
  • google+
  • youtube
author

MAAMULAHA WEBSITEKA :

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool wadanka mareykanka, milkiilaha webkaan iyo kuwo kale, waxaan aad u jeclahay qisooyinka sidaas baan u sameeyey webkaan, waxaan rajeynayaa in aad wax badan ka faaideysan doontaan..

Emailkaga kala soco qisooyinka cusub!

1 comments:

  1. 만 21세 성년의 기준으로 가입 후 승인전화 통화 후 신규가입 3만 쿠폰을 지급해드리고 있습니다. 가입 승인 전화의 경우 오후 4시를 기준점으로 삼아 4시전에 가입하신분들은 바카라 카지노 4시 이후에 전화가 가고 오후 4시 이후에 가입해주신 분들은 다음 날 오전 10시에 가입 승인전화를 받으실 수 있습니다. 다양한 이벤트와 빠른 충환전 그리고 어떤 플랫폼에서도 완벽하게 구현되는 게임환경 및 다양한 배팅 리밋으로 카지노 배터들에게 즐거움을 선사하고 있습니다. 다른 모든 기회 기반의 게임들처럼, 바카라는 도박에 내재된 미신에 대한 충분한 기회를 제공한다. 그것은 특히 아시아에서 인기가 있고 수백 개의 마카오 카지노에서 모든 테이블의 70%를 차지한다.

    ReplyDelete

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: