QISO AAD U CAJIIB AH HA KA CAAJISIN FADLAN AQRINTEEDA AWEY DHALINYARADII !!

QISO AAD U CAJIIB AH HA KA CAAJISIN FADLAN AQRINTEEDA
AWEY DHALINYARADII !!

Qasidan waxaa ka sheekeenaaya sheikh u dhashey wadamada carbeed, waxuuna uga sheekeeynayaa dad iskugu yimid meel barxad ah waxuuna ku bilaabey sida tan;

Waxaa jirey sheikh imam masaajid ahaa, caabud ahaa oo aad u da' waynaa, garkiisa iyo timihiisana cireesteen, habeen habeenada ka mid ah ayuu jamaacada muslimiinta ah waxuu tujiyey salada, kadib salaadii markii laga baxey oo uu gadaal soo eegey, ayii arkey masaajidkii oo camiran, laakin dadka soo buuxiyey masjidka kuligood waxey wada ahaayeen dad waa weyn, indhihiisana waxey qaban waayeen, hal qof oo dhalinyaro ah.

Kadib ayuu waxuu waydiiyey jamaacadii: “Aawey shabaabkeenii (dhalinyaradeenii) maxaa masaajidka u diidey?” dadkii baa yiri: “Shiikhow dhalin-yarada waxey joogaan meelaha kalaabka ah iyo meelaha waqtiga lagu lumiyo?”.
Shikhii ayaa yiri ”oo maxey ka qabanayaan. Oo ka faaiidayaan?”
Dadkii baa yiri: “shiikhow meesha waxaa laga helaa hablo qurxoon, qamri, music, IWM”

Shikhii aad buu u caroodey waxuuna yiri: “Yaa I raacaya, aniga waan socda oo waxaan aadayaa meeshaas, si aan ugu Waco dhalinyaradeenii wadada saxda ah?”
Dadkii oo dhamaa baa yaabey oo yiri: “shiikow meeshaas oo kale kuuma qalanto, oo meel xun iska dhaaf ha aadin?”
Shiikhii baa yiri: “Ilaahey baan ku dhaarteye waan aadayaa!! Wax kalena uma aadayo aan ka aheen inaan soo celiyo dhalin yaradeenii luntey?”

Sheekhii wuu baxey waxaana raacey kaliya 3 ilaa 4 qofood.
Markii uu gaarey kalaabkii oo uu damcey inuu galo ayaa waxaa celiyey nimankii ilaalada ahaa oo ku yiri: “sheekhow ka joog !! waxaan u maleeneenaa inaad soo qaldantey, meeshaan meeshaada mahan, waa kalaab, ee orod ka tag meeshaan?”
Shiikhii baa yiri: “Maya! Ma soo qaldamin, ee waxaan rabaa kalaabka, wax kalena kama rabo waxaan rabaa inaan soo toosiyo dhalinteenii meesha ku jirto! Ee ii fasaxa fadlan?”
Ilaaladii baa ka diidey inuu shiikha galo kuna tiri: “kuma fasaxi karno ilaa aan fasax kuu weydiino malkiilaha meesha?”
Malkiilahii baa loo sheegey arintii, kadibna banaanka u soo baxey kuna yiri shiikii: “shiikhow kuuma fasaxi karo gudaha! Sababtoo ah aniga irsaaqadeyda ayan ka raadsadaa dadkaan? Hadaad iga wadidna waan waayi doona lagactaan ka heli jirey?”
Shiikhii baa ku yiri: “II sheeg meeqaad ka heshey! Anigaa hada ku siinayo kaliya gudaha ii fasax?”
Ninkii ayaa yiri: “isii intaas iyo intaas (lagac) kadib waan ku fasaxayaa”

shiikhii ayaa sidii ku bixiyey lagactii laguna fasaxey gudahii, gudaha markuu galey ayuu yiri: “Dhalinyaroow I maqla; ilaahey ma uusan idiin abuurin ciyaar ciyaar, ma uusan idiin abuurin waqti lumis, ma uusan idiin abuurin inaad ku caasisaan, ee waxuu idiin abuurey Inaad caabudaan!!”markaas buu aayad u soo qaatey oo yiri: “Ilaahey SW waxuu yiri: “ma waxaad moodeen inaan idiin abuurney ciyaar ciyaar, oo walibo xageyga u soo noqon doonin” ee dhalin yaroow I maqla wallaahi waxaan idiin ahey qof idiin digaayo oo cad walibo ee isoo raaca!!
Wadaadkii wuu iska soo baxey wlhi cid ku hartey kalaabkii ma jirin oo dhamaan wiilashii iyo gabdhahii way soo wada baxeen oo soo wada raaceeyn shiikhii!!
SUBHANALLAH!!

Wadaadka sheekada ka sheekeenaayey waxuu farta ku fiiqey wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka wacdiga dhageesanaayey oo safka hore ku jirey kaasoo ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo baxdey kalaabka oo soo raacdey sheekha!!
donate Asalamu Caleykum wr wb, walal maku qanciyeen qoraalada aan soo galiyo, walaal si aan usii wadno oo websiteka usii shaqeeyo, nagu caawi waxaad noo awoodo. DONATE ku dhufo kadibna nagu caawi waxaad noo awood. mahadsanid.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
SHARE
Walaal Donate ku dhufo kadibna nagu caawi intaad noo awoodo, mahadsanid.

Ibrahim Hashi ahmed

  • Facebook
  • Twitter
  • google+
  • youtube
author

MAAMULAHA WEBSITEKA :

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool wadanka mareykanka, milkiilaha webkaan iyo kuwo kale, waxaan aad u jeclahay qisooyinka sidaas baan u sameeyey webkaan, waxaan rajeynayaa in aad wax badan ka faaideysan doontaan..

Emailkaga kala soco qisooyinka cusub!

0 comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: