SU'AAL SOO ISLAMISAY KIRISHTAAN BADAN:yiri:- ii Sheeg:- 1) Hal (waaxid) aan Laba noqonin? Labo aan Sadex Noqonin? Sadex aan Afar Noqonin? Afar aan Shan noqonin? 5) Shan aan Lix Noqonin? 6) Lix aan Todoba noqonin?

Sheekh Caalim ahaa oo la oran jiray Abuyazid Albasdhami, ayaa Maqlay Habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo Kaniisada ka dhex Qaylinaya, wuuna u Galay, kadibna wuu Dhex Fariistay, isagoo u Malaynaya inayna Garan doonin.
Baada...rigii Kaniisaduna markuu Hadal is yirina Sheekhii buu arkay, wuxuuna yiri :- Ma Hadlayo ilaa aad inaga Dhex saartaan Ninkaas Muslimka ah. Waxayna weydiiyeen:- Sidee ku Ogaatay inuu Muslim yahay? Wuxuuna yiri:- Muslimiinta Wajigooda waxaa ku taala Calaamad (Raadkii sujuuda), wuxuuna ka codsaday inuu baxo Sheekhu, Sheekiina wuxuu yiri:- Mabaxaayo ilaa uu Ilaahay ina kala Saaro.
Badarigiina wuxuu yiri:- Hadaba waxaan ku Weydiinayaa dhawr Su’aalood, hadaad si Sax ah uga Jawaabtana waxaan Raacaynaa Diintaada, haddii kalana Seef baa inaga Dhaxaysa!. Sheekhiina wuxuu yiri:- soodaa Su’aalaha, isagoo aad ugu Kalsoon inuu Ilaahay Qofka Muslimka ah Xaqa waafajinayo, Badarigiina wuxuu yiri:- ii Sheeg:-
1) Hal (waaxid) aan Laba noqonin?
2) Labo aan Sadex Noqonin?
3) Sadex aan Afar Noqonin?
4) Afar aan Shan noqonin?
5) Shan aan Lix Noqonin?
6) Lix aan Todoba noqonin?
7) Todoba aan Sideed noqonin? Sideed aan Sagaal noqonin?
9) Maxayse tahay Sagaalka mucjiso?
10) Mase taqanaa Tobanka badan kartaa?
11) Maxayse yihiin 11 ku?
12) Muxuuse yahay Sheeyga Nool ee Neefsada?
13) Saddex iyo Toban aan Afar iyo Toban noqonin?
14) Mase taqaanaa Qabrigii la socday Qofkiisii?,
15) Yaa waaye kuwa Runta sheegay ee Naarta galay? Iyo
16) Sheeg kuwa Beenta Sheegay ee Janada galay?,
17) Mase taqaanaa, Uunka Rabbi abuuray Aabe iyo Hooya la'aan?,
18) Mase taqaanaa Geed leh 12 Laamood, Laan kastana Leedahay 30 waraaqood, Warqad kastana leedahay 5 Sabuul, Saddex Hooska ku Baxda iyo Labo Qoraxda ku baxda? Ka jawaab Su’aalahaas ?!

Sheekhiina wuu Istaagay, Ilaahay buuna Weydiistay inuu Carabkiisa Xaqa ku toosiyo, wuxuuna yiri:-

1- 
Waaxidka aan Laba Noqnin waa - Allaahi SW.
2- Labada aan Sadex noqonin waa - Habeenka iyo Maalinta.
3- Sadexda aan Afar noqonin waa - Afeeftii Khidr siiyay Nabi Muuse CS.
4- Afarta aan 5 noqonin waa - Tawraad, Injiil, Sabuur iyo Qur'aanka kariimka ah.
5- Shanta aan Lix noqonin waa - Shanta Saladood ee Ilaahay Faral yeelay.
6- Lixda aan Todoba noqonin waa - Maalmihii uu Ilahay Aduunka ku abuuray.
7- Todobada aan Sideed noqonin waa - Todobada Samo ee Rabbi Abuuray.
8- Sideeda aan Sagaal noqonin waa - Malaa'igta haysa Carshiga Rabbi CSW.
9- Sagaalka Mucjisana waa - Kuwii uu Rabbi siiyay Nabi Muuse.
10- Tobanka badan kartaana waa - Ajarka Camalka Wanaagsan ee Rabbi u sii badin karo Qofkuu Rabo.
11- Koow iya Tobanku waa - Wiilashii Nabi Yacquub, Yusuf walaalihii.
12- Sadex iyo Tobankuna waa - Yusuf walaalihii iyo labadiisii waalid
13- Shayga aan Noolayn ee Neefsadana - Waa Subaxda (Wassubxi idaa Tanaffasa).
14- Qabriga la socday Qofkii ku jirayna waa - Xuutkii Liqay Nabi Yunus CS.
15- Kuwa Runta Sheegay ee Naarta galay waa Yahuuda, oo yiri;- Kirishtanku Xaq kuma Taagna, iyo Kirishtanku oo yiri:- yahuudu Xaq kuma taagna, labada qolaba Run bay sheegeen, Naar bayna Gali doonaan, Gaalnimadooda darteet.
16- Kuwa Beenta Sheegay ee Janada Gali doonana waa Yusuf Walaalihii, oo yiri:- Yusuf Dhurwaa baa Cunay, ka dibna Aabahood baa Ilaahay Danbi dhaaf u Weydiiyay, Rabbina wuu u dambi Dhaafay.
17- Uunka uu Rabbi SW, Aabe iyo Hooya la'aana Abuurayna waa:- Malaa'igta, oo laga Abuuray Nuur, una baahneen, hooyo, Aabe, Cunto, Cabitaan iwm.
Sidoo kale aabeheen Adam, malahayn Aabe iyo Hooyo midna, Nabi Ciisane wuxuu lahaa Hooyo, balse Aabe ma lahayn.
18- Geedka 12 Laamood lihina waa Sanadka oo ka kooban 12 Bilood (Laamood), Bil kastana waxay leedahay 30 Maalmood (Waraaqadood), Maalin kastana waxay leedahay 5 Salaadood (Sabuul), Sadex Hooska ayey ku baxaan waa Maghrib, Cishe iyo Subax, Labana Qoraxda ayey ku baxaan waa Duhur iyo Casar.

Ka dibna Sheekhii wuxuu ku yiri Badarigii;- Anigana hal Su'aal ah maku weydiin karaa? Isna wuxuu yiri;- Haa, soo daa,
Sheekhii ba yiri:-Muxuu yahay Janada Furaheedu? Badarigiina wuu Wareeray, wuuna Aamusay, waxaana ku Qayliyey Dadkiisii, oo Dhaheen:- waxaad weydiisay Sheekha Su'aalo Faro badan, Dhamaana wuu kaaga Jawaabay. Isna Hal Su'aal ah ayuu ku weydiiyay, mana ka Jawaabi kartid!.
Badarigii baa yiri:- Jawaabta waan Aqanaa, balse Idinka ayaan idiin Cabsanyaa!.
Iyagiina waxay Dheheen:- waxba ha Cabsanine ka Jawaab su'aasha!.
Wuxuuna ku Jawabay:- Janada Furaheedu waa:-(Laa Ilaaha illa Laah, Muxamad Rasuulu Allah). waxeyna Ogaadeen Diinta Xaqa ah iney tahay Diinta Islaamka, Maadaama ay Albaabka Jannada Furihiisa ay ku Qoran tahay Kelimadda (Laa Ilaaha Illalaah, Muxamadda Rasuulu laah).
Iyagiina Hal mar bay kaceen Dhamaantoodna waxeey wada yiraahdeen:-(Laa ilaaha Ilallaah, Muxamad Rasulu Allah), Badarigiina way Eryeen, kaniisadiina waxay u Badaleen Masaajid Ilaahay lagu Caabudo..

(ILAAHOOW TOWBADA IYO TOWXIIDKA NA WAAFAJI, YAA RABBI).


HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

donate Asalamu Caleykum wr wb, walal maku qanciyeen qoraalada aan soo galiyo, walaal si aan usii wadno oo websiteka usii shaqeeyo, nagu caawi waxaad noo awoodo. DONATE ku dhufo kadibna nagu caawi waxaad noo awood. mahadsanid.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
SHARE
Walaal Donate ku dhufo kadibna nagu caawi intaad noo awoodo, mahadsanid.

Ibrahim Hashi ahmed

  • Facebook
  • Twitter
  • google+
  • youtube
author

MAAMULAHA WEBSITEKA :

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool wadanka mareykanka, milkiilaha webkaan iyo kuwo kale, waxaan aad u jeclahay qisooyinka sidaas baan u sameeyey webkaan, waxaan rajeynayaa in aad wax badan ka faaideysan doontaan..

Emailkaga kala soco qisooyinka cusub!

0 comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: